Somali News
    Hees  

Eng. Yarisow: "Qurbo-joogta waa inay taageeraan Dowladda cusub"

Axad 23 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Eng. Yarisow: "Qurbo-joogta waa inay taageeraan Dowladda cusub"

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo maalmahan ku sugnaa dalka South Africa ayaa magaalada Cape Town uga qeybgalay shir Qurbo-Joogta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee South Africa, Ururka Golaha cilmibaarista iyo horumarinta (SOMCORD) iyo Hay'adda ACCORD ee dalka South Africa.

Shirkan oo socday muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobtaas ka hadlay aqoonyahanno iyo siyaasiyiin soo bandhigayey doorka Qurbo-joogta iyo sidii dowladda South Africa iyo Somalia ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta Qurbojoogta Soomaaliyeed. Waxaa shirka furay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee South Africa Mr Marius Fransman oo labada cishaba ku sugnaa goobta soona gabogabeeyey. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dowladda South Africa ay ka go'antahay in Somalia wax loo qabto oo uu sheegay in South Africa ay dooneyso inay Africa ka dhigto mid hal hadaf ah leh. Sidoo kale waxaa goobta joogay oo ka hadlay Safiirka cusub ee Somalia ee Dalka South Africa Sayid Sharif Hassan oo sheegay in Qurbojoogta Soomaaliyeed ee South Africa ay ka saacideen sidii loo furi lahaa Safaarada Soomaaliya.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa goobta ku soo bandhigay doorka Qurbo joogta Soomaaliyeed oo uu sheegay inay wax badan u qabteen shacabka Soomaaliyeed isagoo ku ammaanay sida ay u jecelyihiin dalkooda una doonayaan inuu haggaago. Sidoo kale waxuu xusay inay kaalin wanaagsan ka cayaareen siyaasadda oo ay diyaar u yihiin inay naftooda xitaa u huraan isagoo xusay qaraxii 3dii December 2009 oo ay naftooda ku waayeen Wasiiro Qurbo joog ah iyo kuwo kale sida Qamar Aden iyo Prof Ibrahim Addow. Eng. Yarisow ayaa sheegay in Qurbo joogta ay hesyato caqabdo fara badan oo loo baahanyahay inay isku duubnaadaan oo danta guud ay ka wada shaqeeyaan iyagoo dalalka ay joogaana ay si wanaagsan ula dhaqmaan. Eng. Yarisow ayaa sheegay in Qurbo joogta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa South Africa inay taageeraan Madaxweynaha cusub Hassan Sheikh Mohamud iyo dowladdiisaba.

Waddanka South Africa ayaa lagu qiyaasaa inay degenyihiin Soomaali dhan 60,000 oo intooda badan ah dhalinyaro qaxooti ah oo qaarkood shaqeeya, kuwo waxbarta iyo kuwo ganacsi ku jira.

Fadlan lifaaqa waa sawiro iyo hadalkii uu Eng. Yarisow ka jeediyey oo English ku qoran:



 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)