Somali News
    Hees  

Dad badan oo Soomaali ah oo uganda looga soo celiyay DOLLAR been abuur (falso) ah oo ay wateen

Mogadishu Axad 23 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dad badan oo Soomaali ah oo uganda looga soo celiyay DOLLAR been abuur ( falso ) ah oo ay wateen.

Dad badan oo soomaali ah ayaa bishii inaga tagtay ee August 2012 iyo tan aynu ku jirno ee September 2012 looga soo celiyay dalka Uganda DOLLAR been abuur ah ( FALSO ) oo ay wateen awgiis iyadoo Dowlada uganda ka cafisay xabsi ay arintaas ku mudan lahaayeen.

warar laga soo xigtay dadka dib loo soo celiyay ayaa sheegaya in lacagahaan ay kasoo sarifteen kooxo lagu magacaabo sariflayaasha wareega oo ku dhex shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan cade Airport ee magaalada Muqdisho taas oo ceeb weyn ku noqoneysa garoonka diyaaradaha caalamiga ah iyo dowlada soomaaliyaba.

warar kale oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu si aad ah uga buuxo dollar been abuur ah ( VALSO ) maaddama aysan jirin cid ama hay'ad kontaroosha ama daba gasha , dhibaatadana ay ku dhacsdo oo kaliya dadka safarka ah ee u qaata dalalka dibada, dadkan laga soo celiyay dalka Uganda ayaa la ogaaday in lacagta ay wataan been abuur valso tahay xili ay doonayeen in ay iska bixiyaan lacagta VISAHA oo ah 50 DOLLAR , waxeyna arintaas ku noqotay dadkaas masaakiinta ee safarka arga gax iyo lama filaan.

dhinaca kale waxaa kaloo jira kooxo dulaaley isku xiran ah oo dadka u safraya dalalka uganda, kenya iyo south sudan ka qaata 50 - 100 us dollar( uganda ), 200 - 250 US DOLLAR ( KENYA )iyo south sudan ( 500 - 600 ), isla markaana dhib iyo lug gooyo fara badan u geysta dadkaas masaakiinta ee safarka, waxaana sida badan dhacda in dadkaas ay qabtaan ilaalada xuduudaha laguna eedeeyo in ay argagixiso yihiin maadaama aysan heysan wax viso ama sharci ah oo ay dalkaas ku galayeen, arintaan ayaa sababta in dadkaas lagu sii daayo lacag dhan 500 - 700 US DOLLAR ah si looga bad baadiyo in maxkamad lasoo taago dabadeedna la ganaaxo dibna loogu celiyo soomaaliya, hadaba shirkadaha diyaaradaha african express, JUBA iyo East africa waxaa laa soo jeedinayaa in ay wax ka qabtaan oo kooxaha dulaaleyda ah ee Muqdisho ku sugan ka joojiyaan falkaan naxariis darada iyo shirqoolka iyo qiyaanada ku dhisan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)