|
Magalada Toronto ee Dalka Canada ayaa lagu Qabatay Xafalad balaran oo lagu Tagerayay madaxweynaha Fadaralka Soomaaliya Pr. Xasan Sheekh Maxamuu
Mogadishu Axad 23 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Magalada Toronto ee Dalka Canada ayaa lagu Qabatay Xafalad balaran oo lagu Tagerayay madaxweynaha Fadaralka Soomaaliya Pr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Dalka soomaaliya
Magalada Toronto ee Dalka Canada ayaa Lagu qabatay Xafalad balaraan oo lagu Tagerayay madaxweyanaha Jamuriyada Soomaaliya Pr. Xasan sheikh maxamud, Xafaladas oo lagu Qabatay sheraton hotel.
Xafladaas ayaa waxaa ka soo Qeyb Galay Qeybaha kala Duwan ee Bulshada Soomaaliyed iyo Qaar Tariirsan madaxda Gobolka onteria ee magalada Toronto oo ay ugu Horeyan xidhibanada laga soo Dorto ee xafada Etobico iyo Qeybaha kala duwan ee madaxada somali community.
Dhamaan Dadkii munaasabadaas kasoo Qeyb galay Waxay ay amman iyo bogadiin u soo Jediyen in laa Tageero madaxweyanah Cusub soomaaliya Pr. Xasan Sheikh maxamud oo dhawaan loo Dortay inuu noqdo Madaxweynaha cusub Soomaaliya.
Sido kale Waxa meshaa ka Hadashay Xildhibanadan Soomaaliyed oo Reer Toronto aah Laguna magacawo Sacdiya Careys Ciise oo ah Xildhibanada Cusub ee Dhawaan laso Dortay waxa aayna sheegtay in aay Tahay in la Tagero Dowlada Cusub oo u bahan in hiil iyo hoo Lala Garab galo , waxana meshaa Loga mahad celiyay waxa qabadki madaxweynahi hore ee soomaaliya sheikh sharif sheekh axmed
Guud ahaan dadkii meshaa Kahadalay waxay isku Raaceen Qimaha iyo amalka Cusub ee u dhashay Dalka Soomaaliya ayado laga baxay Xiliga kummel Garka ah oo ay horay ugu jiirtay Dalka Soomaaliya, Waxana Tusaale Loso Qatay in Hada iyo Waxii ka Danbeya Soomaaaliya ay gali Karto heshiisyo Dhinac waaliba leh Sida Dib uu dhiska dalka Qeybaha kala Duwaan ee Ciidamada Qalabka siida iyo heshiis Dhanka Gobalka ah.
Xafaladan oo loogu Talagalay in aay kaso Qeyb Galan dad Garaya labo kun oo Ruux ayaa Waxa kaso qeyb Galay Dad lagu Qayasay ilaa iyo afar kuun oo ruux, Waxana Lagu Tilmamay in ay aheyd Xafaladi ugu Dadka badneyd ee lagu Qabto Magalada Toronto ee Dalka Canada.
Sido kale waxa Xafaladi xalay music kala Duwan ka tumay faninta reer Toronto oo ay ugu horeyan khadija Cabdulahi Camey (Daleys) Faduma Cali Kagruma, Cumar muse Cadde, Cumar boonge Cabdulahi boqol Cawle adaan Waxa gacan weyn ka gestay isku xeerka fanintaas wariye luul Xasan (luula )oo kamid aheed Wariyashi radio muqdisho ee Bari samaadkii .
Waxa aan u mahad celineyna Wabsedyadi live Xalay uso Gudbiyay xafaladi ee madaxweynaha Jamuriyada Fadaralka Soomaaliya Pr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Waxa mesha kaso qeyb Galay dhaman raga wararka Fidiya ee magalada Toronto Sida maxamed Dahir xasan oo ah mamulaha Tv Muqalka soomaalida iyo idecada Codka besha soomaalida, xasan Cabdulahi karate Madaxa Ogaalradio Maxamed Cabdulahi xasan.
Shirkada aragtida ee Bakarimedia magalada Toronto Filimqade Cali bakri sheikh bin, sheikh Maxamed Cabdo baxaji websedka hiiraan, Qarannimo, Dayniile, Allbanaadir soomaaliweyn, amin arts, dafeed, radiofreesomalia.
Waxa Kale halkan aan ugu mahad celineyna Gudiga Qaban qabada Xafalada oo ka kobna Rag iyo Dumarba intii Gacanta kaa geysatay Xafaladan waxaa ay kuso Dhamatay sidi lagu Tala galay.
























Mahad Carabow Cali Toronto ontario
mail-mahad554@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|