|
Saanad Milatari oo la Gaarsiisay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan G/Gedo
Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Saanad Milatari oo la Gaarsiisay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan G/Gedo
Wafdi kasocda wasaarada gashaandhiga Dowladda Soomaaliya iyo wafdi kale oo ka socday Dowladda Mareykanka oo uu hugaaminayo Madaxa Saadka Wasaarada Gaashaaan dhiga ayaa gaaray shalay Gobolka Gedo, waxaana la sheegay inay halkaasi u tageen in saanad Milatari gaarsiiyaan Ciidamada Dowladda ee Ku sugan Gobolka Gedo Sida uu sheegay afhayeenka Gobolka gedo Axmed C/laahi Xirsi.
Afhayeenka Gobolka Gedo ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sababta ay halkaasi ay utageen mas'uuliyiintaas ay ahayd inay dhiiragaliyaan Ciidamada dowlada ee halkaasi joga sidii ay u sii wadi lahaayeen Dagaalada ay Ciidamadda dowlada kula jiraan Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaaya kuwa Ahlu Sunna Walljameeca iyo Ciidamada Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay kordhiyay dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab, waxayna qabsadeen deegaano fara badan oo ay horay uga talin jireen Al-Shabaab.
Dhinaca kale Gobolka Gedo waxa uu ka mid yahay gobolada ay qaybo ka mid ah wali kus ugan yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowlada Soomaliya iyo Ciidamada ka socd wadamada kala duwan ee garabka siinaya dowlada.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|