Somali News
    Hees  

Ra'iisul wasarihii hore C/Weli Gaas oo uga wakiil ah Madaxweynaha Soomaaliya ka qayb galka shirka guud ee Qaramada Midoobay

Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ra'iisul wasarihii hore C/Weli Gaas oo uga wakiil ah Madaxweynaha Soomaaliya ka qayb galka shirka guud ee Qaramada Midoobay

C/weli Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Ummadaha Midoobay, isagoo hadal ka jeedin doona shirka golaha ammaanka maalinta Khamiista ah ee soo socota, iyadoo la sheegay in madaxweyaha cusub Soomaaliya ee uu horay u sheegay inuusan ka qaybgalayn shirka.

"Ra'iisul wasaaraha aad ayaa loogu soo dhaweeyay New York, wuxuuna Soomaaliya ku matalayaan ka qaybgalka shirka," ayuu yiri Cumar Jamaal, iyadoo ra'iisul wasaaraha uu xilligiisu dhammaaday la sheegay inuu wakiishay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay inuu ka baaqday ka qayb-galka shirka guud ee Qaramada Midoobay, isagoo taas ku sababeeyay inay horyaallaan howlo badan, sidaa daraadeedna uusan dalka ka tagi karin.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in C/weli Gaas uu Soomaaliya uga qaybgalo shirar looga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka, kuwaasoo ka dhici doona dalka Mareykanka.

Beesha caalamka ayaa waxay indho gaar ah ku haysaa Soomaaliya, tan iyo markii laga baxay bishii Ogoosto ee sannadkan xilligii KMG ahaa ee dowladihii hore ay ku shaqeyn jireen, waxaana tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub safarro ku tagayay Muqdisho xubno ka socda beesha caalamka, si ay ula kulmaan hoggaamiyaha cusub ee Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)