|
Holland oo si weyn looga taageeray Madaxweynaha cusub+Sawiro
Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Holland oo si weyn looga taageeray Madaxweynaha cusub+Sawiro
Munaasabadii ugu ballaarneyd ee lagu qabto Holland ayaa noqotay mid lagu taageerayay Madaxweynaha Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Max’uud oo ka dhacday xaafada Moerwijk ee magaalada Denhaag waddanka Nederland.
Xafladdan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Netherlands, tasoo lagu soo dhoweynayey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeybgaleen Soomaalida ku nool magaalooyinka dalkan, kuwaasoo isugu jiray aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato, arday, haween, fanaaniin, saraakiil & waxgarad ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Furitaanka xafladan ayaa waxaana lagu furay heeso waddani ah oo ay ku luuqeynayeen fanaaniin Soomaaliyeed, kadib waxaa la galay khudbooyinka loogu talagalay in laga jeediyo munaasabada.
Dadkii ka hadlay ayaa qiray in 10-kii bisha Septemper ay tahay maalin qiimo weyn ugu fadhida ummadda Soomaaliyeed oo dalkii hooyo lagu doortay si cadaalad ah Madaxweyne.
Xafladda waxaa qadka taleefanka kaga qeyb qaatay safiirka dalalka Beljamka & Talyaaniga u fadhiya Dowladda Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay rajo iyo yididiilo ka qabto isbedelka cusub ee Soomaaliya inuu horseedo in dalka uu ka baxo marxaladda adag ee uu ku sugan yahay.
Wuxuu Nuur Cadde sheegay in dadka ka soo qeybgalay xafladda ee qurba-joobta ah ee dareenkooda ku muujiyey taageerida Madaxweynaha cusub iyo isbadalka ka dhacay dalka iney awoodooda ku bixiyaan sidii loo gaari lahaa yoolka la doonayo in Soomaali dhab ah la helo iyo amaan horseeda nolol cusub oo dadka ay higsadaan.
Guud ahaan dadkii kasoo qeybgalay ayaa waxay Madaxweynaha cusub u jeediyeen dardaaran ah in Ra'iisul Wasaaraha uu soo magacaabi doono inuu noqdo mid la mid ah oo dalka iyo dadka wax kusoo kordhin kara.
Guud ahaan dalalka ay degto Soomaalida ayaa si weyn looga soo dhoweeyay isbadalka cusub ee ka dhacay Soomaaliya ee lagu doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.







Ali Muhiaddin
Netherland
Muxiyaddiin@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|