Somali News
    Hees  

Gabdho Soomaaliyeed oo Wacdaro ka dhigay Maaradoon ka dhacay Dalka Holland [Sawirro]

Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gabdho Soomaaliyeed oo Wacdaro ka dhigay Maaradoon ka dhacay Dalka Holland [Sawirro]

Magaalada Amsterdam ee dalka Holland waxaa Maalintii shalay ka dhacay Ciyaaro Maaradoon oo dhanka Haweenka ah, kaasi oo ay ka qeyb galeen Kooxo Fara badan oo ku kala ciyaarayay Magacyada Ururo, Shirkado, Wasaarado, iyo Hey'addo, iyadoona ay Ciyaartaasi ka qeyb galeen Koox ku Ordeesay Magaca Hey'adda HIRDA oo ah Hey'ad Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay dalka Holland.

Kumanaanka kun ee wadooyinka Taagnaa isla markaana indhaha ku haayay Ciyaarahaasi Maaradoonka ayaa waxaa indhahooda soo jiitay 2-Gabdhood oo Soomaali ah kuwaasi oo si weyn ugu dhex muuqday Ciyaarihii Maaradoonka ee shalay ka dhacay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland.

Amaal Maxamed iyo Mahdiyo Abdullaahi oo ku ciyaarayay Magaca Hey'adda HIRDA kana mid ahaa 10-Ciyaaryahan ee Kooxda HIRDA ugu qeyb gashay Ciyaarahaasi ayaa iyagu noqday Gabdho Soomaali kuwooda ugu horeeyay ee Ebed ka qeyb gala Ciyaara Nuucaan ah, iyagoona kaalin wanaagsan ay ka galeen Ciyaarihii Maaradoonka, isla Markaana Hantay Biladihii Ciyaartaasi lagu bixinayay.

Gabdhaha Soomaaliyeed iyo Hey'adda HIRDA ayaa sidoo kale Ciyaarahaan ugu qeyb galay sidii ay ugu gar gaari lahaayeen Gabdhaha Soomaaliyeed iyo Haweenka kuwooda ku sugan Gobolada dalka Soomaaliya, isla markaana heysta dhibaatada dhinaca Nolosha ah.

Agaasimaha Guud ee Hey'adda HIRDA Marwo Faadumo Faarax oo Maalintii shalay Goob joog ka aheyd Ciyaarihii Maaradoonka ee ka dhacay Magaalada Amsterdam ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in Hey'adda HIRDA ay ka qeyb gasho Ciyaaro nuucaan oo kale ah, isla Markaana ay kooxdeeda ku jiraan gabdho Soomaaliyeed oo u istaagay in ay caawiyaan Walaalahooda kale.

Ciyaaryahanadii Hore ee Kubada Koleyga Dalkeena Soomaaliya Maama Batuulo Xaajii Nuur ayaa dhankeeda wax lagu farxo ku tilmaamtay in gabdho Soomaaliyeed ee kasoo dhex Muuqdaan Kumanaan Haween oo u dhashay Wadanka Nederland iyo Wadamo kale oo ka tirsan Caalamka, iyadoona Xustay in ay Amaantaasi mudan yihiin Amaal & Mahdiyo oo ku dhiiraday in ay Ciyaarahaan ka qeyb galaan.





Salah Hassan Omer 
s.dheere@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)