|
Madaxweyne Xasan Sheekh: "Dhawaan waxaa soo magacabayaa Ra'iisul wasaare dhiig cusub geliya Shacabka Soomaaliyeed.."
Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Xasan Sheekh: "Dhawaan waxaa soo magacabayaa Ra'iisul wasaare dhiig cusub geliya Shacabka Soomaaliyeed.."
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ballaaran u jeediyay jaaliyadda Soomaalida Mareykanka oo magaalada Minnesotta ku qabatay xaflad lagu taageerayo isaga, wuxuuna Madaxweynuhu tilmaamay in Dowladiisu ay sameyneyso isbedello muuqda.
"Sahacabka Soomaaliyeed in caalamka ay u arkaan dalkii argagixisada, dalkii burcad badeeda, dalkii dhimashada, dalkii dagaalada iyo fowdada waxaa u keenay burburka ku dhacay dalkooda, laakiin mustaqbalka waxaan rajeynayaa inaan dalka ka tirtirno magacyada xumaanta ah" ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo qadka taleefanka uga qeyb qaadanayay munaasabadaasi taageerada ah.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in isbedelka Soomaaliya ka dhacay ay astaan u tahay qaabka isaga lagu soo doortay, taasi oo ay daliil u tahay in isagoo aanay aqoon beesha caalamka, hay'adaha Soomaaliya ka howlgala iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya hadana loo soo doortay si cadaalad ah.
"Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa waxaan ugu baaqayaa inay dalkoodii ku soo laabtaan ayna ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalkooda" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo si gaar ah ugu booriyay Soomaalida ku nool wadanka Mareykanka inay uga faa'iideeyaan dadkooda iyo dalkooda.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kale oo uu sheegay in dhammaanba Soomaalida ku nool dalalka qurbaha ay ogaadaan in guryaha iyo dabaqyada dhaadheer ee ku yaala wadamada shisheeye aanu dalkoodii ahayn isla markaana ay tahay inay dalkooda ku soo laabtaan.
Munaasabadda lagu taageerayo Madaxweynaha Dowladda cusub ee Soomaaliya oo dhowaan uu doortay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay madaxda jaaliyada Soomaalida Mareykanka iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, kuwaasi oo si weyn uga hadlay isbedelka ka dhacay dalka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|