Somali News
    Hees  

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlaayay arrimo badan

Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlaayay arrimo badan.

Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaladda Muqdisho waxaa uu ku yeeshay Kalfadhigii 10-aad isagoo kaga wadahadlay Arrimo badan oo xiligaan horyalla iyo sidii uu u derdergelin lahaa Hawlahiisa tan iyo markii la dhisay iyo wixii ilaa iyo haatan u qabsoomay, waxaana uu sidoo kale maanta la dhaariyay labadii Xubnood ee ugu dambeeysay tan iyo markii la dhisay Baarlamaanka cusub ee Soomaliya, kadib markii ay soo dhameeystireen shuruudihii laga doonayay.

Kulankanasi oo uu maanta shir guddoominayay Gudoomiayaha Baarlaamanka cusub ee federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayey kaga hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Dhinaca Nabadgalyadda dalka iyo sidii ay xubnaha Baarlamaanku u dardargelin lahaayeen howlaha horyaala, loona dhisi lahaa guddiyadii hoosaadka ee uu yeelan lahaa Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa sheegay in guddoomiyaha maxkamadda sare uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa in xildhibaannada dacwad lagu soo oogo inta xilka laga qaadayo, iyadoo sidoo kalena xildhibaannada looga dalbaday inay fasaxyada yareeyaan.

2-da Xildhibaan ee maanta la dhaariyay ayaa waxay kala Yihiin Xildhibaan Cabdixafiid Isaaq Mursal iyo Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay inay ka dhinnaayeen kuraasta baarlamaanka ee 275- Xubnood ee marka laga reebo kursiga xidhibaankii habeen hore la dilay ee geeriyooday oo weli aanan la buuxinin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari wuxuu sidoo kale xildhibaannada uga warbixiyay kulammo uu la yeeshay wufuud kala duwan oo caalami ah, isagoo sheegay in xubno ka socday dalka Turkiga ay ballanqaadeen inay dib u dhis ku sameyn doonaan xaruntii baarlamaankii Hore ee Soomaaliya.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale kulanka uga hadleen arrimaha Nabadgalyadda dalka maadaama ay soo baxayaan hanjabaadyo ka imaanaya Kooxda Al-shabaab oo iyagu ku wajahan iyo dilkii loo geystay xildhibaankii ka tirsanaa baarlamaanka ee habeen hore lagu dilay hoygiisa xili uu ka soo baxayay Saladda Maqrib, waxaana ay go'aansadeen inay muujiyaan taxadar dheeraad ah si ay u dhicin in la bartilaameeydsado.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay guddi ka kooban shan xildhibaan oo ka soo shaqeeya sidii lagu dhisi lahaa guddi hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xidlhibaannada laga dalbaday inay soo gudbiyaan CV-yadooda si xildhibaan walba loogu dhiibo howsha uu qaban karo iyo waxa uu ku takhasusay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)