|
Siyaasiga Cali Cabdi Awaare Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Garoonka Diaaradaha Ee Adan Cade. (Cod+sawir)
Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

(Halkan ka dhageyso codka Cali Cabdi Awaare)
Waxaa manta Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si heer saro ah loogu
soo dhaweeyay Siyaasiga rug cadaaga ah ee Cali Cabdi Awaare,
waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne aad u farabadan iyo
mas’uuliyiin kale.
Cali Cabdi Awaare ayaa kasoo noqday wasiir Maamulka Puntland, wuxuuna
ka mid ahaa dadkii aas-aasay Maamulkaas.
Cali Cabdi Awaarea ayaa ah Siyaasi inta badan ku noolaa dalka lana
qaybsaday shacabka dhibaatooyinka kala duwanaa oo soo wajahay, Sidoo
kale wuxuu aad u soo dhaweeyay in Soomaaliya ay maanta ka baxday KMG
islamarkaana si xalaal ah loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud.
Soo dhaweynta kadib ayuu warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan
yahay in maanta uu ka soo dago Garoonka Diyaaradaha ee
magaalada Muqdisho.
“Waan ku faraxsanahay inaan imaado Muqdisho, waxaana ka imid
dalka Jabuuti waxaana u imid inaan Shacabka Soomaaliyeed kala
qeybqaado isbedelka Siyaasadeed ee dalka”.
Hadal heynta dadka reer Muqdisho ayaa ahaa maalmihii ugu dambeeyay in
Cali Cabdi Awaare loo magacaabidoono Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya,
waxayna bulshada ku dhaqan muqdisho isku raacday inuu yahay shaqsi u
qalma in loo magacaabo Ra’iisulWasaare.
Ugudambeyntii Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in maanta dalka
Soomaaliya looga baahan yahay isbedel Siyaasadeed ee hormarinaya dalka
iyo dadka, Wuxuuna intaasi ku daray inuu yahay shaqsi sifiican u
yaqaana dhulka Soomaaliyeed iyo Bulshaweynta ku nool, Wuxuuna sidoo
kale xusay in wax badan uu ka bedeli doonto Xaaladda hadda ee ku jirto
Soomaaliya, ha ahaato dhinaca Amniga, Dhaqaalaha, Maamul wanaaggai yo
xiriirka Caalamka.
----Dhamaad----
Xogta Sheeg
xogtasheeg@gmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|