|
AMISOM oo sheegtay inay baareyso dad lagu laayay Gobolka Jubadda Hoose
Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AMISOM oo sheegtay inay baareyso dad lagu laayay Gobolka Jubadda Hoose.
Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in 10 Ruux oo rayid ah shalay galinkii Dambe Ciidamada Dowladda ee Gobolka jubada hoose ku sugan inay dhawaceen dadkaasi, iyadaoo isla xalay la gaarsiiyay dadkii la dhaawacay Isbitaal ku yaala Degmada Afmadow ee Gobolka jubada hoose .
Dadkaan ayaa ahaa Xoolo dhaqato, waxaana Shalay Galinkii dambe lagu Dilay Jubadda hoose Xili ay Ka amba baxeen Deegaanka Birta dheer ee Gobolka jubada hoose ayna ku sii jeedeen Xaafadahooda ku yaala Dhulka Baadiyaha Deegaankaasi.
Dadkaa la Dilay ayaa la sheegay inay taasi ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dwladda Soomaaliya in kastoo Saraaakiisha Ciidamaduna ay dusha ka saareen eedeyntaasi Ciidamadda Kenya ee AMISOM qaybta ka ah.
Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Ku sugan Jubadda hoose ayaa si kulul u cambaareeyay Dhacdadaasi Foosha xun ee ka dhacday Jubadda hoose, isagoo Mas'uuliyadeedana dusha kaga tuuray Ciidamada Dowladda Kenya ee kaabaya Ku dowladda Soomaaliya.
Afayeenka Ciidamada Dowladda ee Jubadda hoose Aadan Maxamed ayaa sheegay in Ciidamadda Kenya ay si ula kac ah u Laayeen Dadkaani sababta ka Dambeysana lama garanayo Sida uu sheegay afayeenku .
Col Cali Aadan Xumed Afayeenka Ciidamada Midawga afrika ee AMISOM Soomaaliya Jooga ayaa waxa uu sheegay inay Brayaan Dhacdadaasi Cidii ka Dambeysay hadii ay soo Baxdo in AMISOM ay ka dambeysana ay raali galin ka bixi doonaan Tilaabana ay qaadi doonaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|