|
Ururka Midowga Africa oo cambaareeyay dilkii mudane ka tirsanaa Barlamaanka
Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ururka Midowga Africa oo cambaareeyay dilkii mudane ka tirsanaa Barlamaanka
Ergeyga gaarka ah ee guddiga midowga africa u qaabilsan arimaha
somalia buubakar diyaar ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku cambaareeyay dilkii loo geystay xildhibaan mustafa xaaji macalin oo
kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Buubakar diara ayaa warsaxaafadeedkiisa waxa uu ku sheegay in si aad
ah ay dhaleeceenayaan dilkii loo geestay xildhibaankaasi , waxana uu
ku tilmaamay mid argigixisinimo ah oo ay ka dambeeyeen kooxo somalia u
diidan nabad waa sida uu hadalka u dhigay.
"Waxaan la murugooneynaa eheladii iyo asxaabtii uu ka dhintay
xildhibaankaasi , waxana xildhibaanada kale aan ku boorineynaa inay
wataan howsha ay u hayaan shacabka islamarkaana aysan niyad jebin"ayuu
buubakar diyaara ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray.
Dhinaca kale QM ayaa horay u cambaareysay dilkii xildhibaan mustafa haaji mo’allin
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|