Somali News
    Hees  

Hojoogihii hore ee Gobolada Jubooyinka ee Al-Shabaab oo loo magacaabay inuu noqdo Masuulka ugu sareeya Maamulka Gobolka Galgaduud

Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hojoogihii hore ee Gobolada Jubooyinka ee Al-Shabaab oo loo magacaabay inuu noqdo Masuulka ugu sareeya Maamulka Gobolka Galgaduud.

Wararka ka imaanaya Gobolada Galgaduud gaar ahaan Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in maamulka Gobolka galgaduud ee Al-Shabaab loo magacaabay Sheekh Xasan Yacquub oo horay u ahaan jiray Hojoogihii hore ee Gobolada Jubooyinka ee Al-Shabaab.

Meel fagaare ah ayaa lagu arkay isagoo dadka Gobolka Galgaduud kula hadlaaya Xasan Yacquub oo uu hareer taagnaa ninikii Mas’uulka uga ahaa Gobolka Shabeelaha dhexe Al-Shabaab Yuusuf Ciise Kaba ku tukade.

Dadka ku dhaqan degmada Galcad ayaa sheegaya inay si aad ah ula yaabeen markii ay arkeen in Xasan Yacquub loo soo magacaabo Gobolka Galgaduud oo uu deegaan ahaan isagu ka soo jeedin.

Al-Shabaab oo xiligaan u muuqata mid soo tabar yarenaysa ayaan la ogayn sababta keenta in Xasan Yacquub xiligaan loo magacaabo Madaxa Al-Shabaab ee Gobolka Gaduud, iyadoo la ogyahay in Gobolka deegaanadii isku xiraayay isaga iyo Muqdisho ay adag tahay in Shabaabku ku dhax mushaaxaan ama isaga gurmadaan, iyadoo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kaabiga u saran yihiin in gacantooda gasho Magaalada Jowhar oo xarun u ah Gobolka Sh/Dhexe.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)