Somali News
    Hees  

Dawlada dalka Burundi oo sheegtay inay diyaarisay illaa iyo 200 askari oo ka mid noqonaya booliska AMISOM ee Muqdisho ka hawlgala.

Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dawlada dalka Burundi oo sheegtay inay diyaarisay illaa iyo 200 askari oo ka mid noqonaya booliska AMISOM ee Muqdisho ka hawlgala.

Wasiirka amniga dawlada Burundi Gabriel Nizigama oo maanta la hadlay wakaaladda wararka ee Shinwaa ee Shiinaha wararka u faafisa ayaa u sheegay inay diyaariyeen illaa iyo 200 oo askari oo boolis ah kuwaasoo ay ugu tali galeen inay ka mid noqdaan hawlgalka ay ciidamada booliska AMISOM Muqdisho ka wadaan.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ciidamadaan lasoo dirayo ay muddo qaadanayeen tababaro la xariira dhanka aqoonta dhaqanka Soomaaliya iyo toogashada ciddii dhibaato keenta.

“Ciidamadeena booliska waa diyaar inay Soomaaliya tagaan oo ay ka qeyb qaataan hawlgalka ay wadaan ciidamada booliska AMISOM” ayuu yiri wasiirka amniga dalka Burundi Gabriel Nizigama.

Nizigama waxaa uu tilmaamay in ciidamadooda ay u baahan yihiin qalab ciidan oo dhameystiraan si ay hawshooda u si hufan ugu gutaan waxaana uu intaa ku daray in dabayaaqada sanadkaan ay u soo dirayaan Soomaaliya.

Burundi Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo militry, ah oo dagaal kula jira Xarakadda Al-Shabab iyadoona qaar ka mid ah askarteeda ku weysay dagaalada dalka ka socda.

Dawlada Nigeria ayaa dhawaan sidaan oo kale ku dhawaaqday inay Soomaaliya u soo dirayso ciidamo boolis ah oo qeyb ka noqonaya booliska AMISOM.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)