|
Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Talyaaniga oo cambaareysay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Muqdisho
Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Talyaaniga oo cambaareysay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Muqdisho
Warsaxaafadeed ka soo baxay jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Torino wadanka Talyaaniga ayaa lagu cambaareeyay dilalka qorsheysan ee maalmahaan ka dhacayay magaalada Muqdisho, waxayna jaaliyaddu sheegtay in falalka lagu khaarajinayo dad waxgalka ah kuwa ka dambeeya ay yihiin dhagar qabayaal fulayaal ah.
Jaaliyadda magaalada Torino ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay kulan gaar ah ka yeesheen dhacdooyinka maalmahaan ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya hay'adaheeda amniga iyo shacabka oo iskaashanaya inay si degdeg ah uga hortagaan arrimahaasi.
"Waxaan bambaareyneynaa dilkii loo geystay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya Xildhibaan Mustaf xaaji oo kooxo ma naxayaal ah ay ku dileen degmada Waaberi" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay jaaliyadda Soomaalida magaalada Torino ee wadanka Talyaaniga.
Jaaliyaddu waxay ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sheekh inuu u istaago sidii loo adkeyn lahaa xaaladda nabadgelyo ee wadanka, bacdamaa isaga ay mas'uuliyad ka saaran tahay isla markaana kulamo joogto ah uu la yeesho saraakiisha hay'adaha nabadgelyada si uu mar kastaba ula socdo dhaqdhaqaaqyada nabadgelyada.
Dhinaca kale warsaxaafadeedka ka soo baxay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Torino wadanka Talyaaniga oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Jaaliyadaas Md. Mustaf Cabdulle Maxamuud ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan sugida amniga.
"Dowlad waxaa ah shacabka, waa inay si ficil ah uga hortagaan gacan ku dhiiglayaasha dembiilayaasha ah ee ku dhex jira, markii ay arkaanna waa inay ciidamada u gacan geliyaan" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xarunta jaaliyadda Soomaalida magaalada Torino ee wadanka Talyaaniga.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|