Somali News
    Hees  

Seminaar ku saabsan hoggaaminta oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Seminaar ku saabsan hoggaaminta oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Seminaar soconayey laba maalmood oo ay soo abaabbushay shirkadda la-talinta ee Buux Consulting oo gacan ka heshey hey'adda Al-Manhal oo lagu qabtay Hotel Saxafi, Muqdisho, ayaa la soo gabagabeeyey.

Seminaarkaan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan Baarlammaanka Cusub ee Soomaaliya, ganacsato, saraakiil, macallimiin wax ka dhiga jaamacadaha kala duwan ee Muqdisho iyo marti sharaf kale ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa lagu bartay cilmiga hoggaaminta.

Saciid Cali Shire, madaxa Buux Consulting, oo furitaankii seminaarka hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in seminaarkaani dhowr arrimoodba kaga duwan yahay seminaarada kale ee lagu qabto dalka gudihiisa. Saciid waxa uu xusay in: (1) seminaarka ay abaabbulkiisa ay iska kaashadeen aqoon yahanno Soomaali ah oo aqoon iyo waayo'aragnimo durugsan u leh cilmiga hoggaaminta; (2) in uu ku soo beegmay xilli guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan maus'uulliyiinta sare ee dawladdu baahi weyn u qabaan in ay kobciyaan aqoontooda ku aaddan hoggaaminta; iyo (3) in loo qabtay dadkii saxda ahaa, laguna qabtay madashii saxda ahayd.

Labadii maalmood ee seminaarku socday, waxaa casharro ka soo jeediyey: Saciid Cali Shire, qoraagga buugga 'Hoggaamiye;, Dr. Cabdi Shire, qoraagga buugga 'Hoggaaminta Wanaagsan'; Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo mas'uuliyaddo badan ka soo qabtay Soomaaliya ahna qoraa; Prof. Axmed M. Warfaa oo ah xeeldheere aad looga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibeddiisa; Dr. Maxamed Abshir; Dr. Xuseen; Dr. Cabdirashiid Maxamed Diri; iyo aqoonyahanno kale oo badan.

Qaar ka mid ah xildhibaannadii seminaarka ka qaybgalay ayaa sheegay in seminaarkani wax weyn ka beddelley fahankooda iyo dareenkooda ku aaddan hoggaaminta. Mid ka mid ah xildhibaannada oo ka hadlayey muhimadda ay leedahay in xildhibaannadu qaataan duruusta noocaan oo kale ah ayaa xusay "in duruusta noocaan oo kale ahi sare u qaadayaan fahanka mas'uuliyadeed, xulashada mas'uul iyo la shaqaynta mas'uul intaba". Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in casharada ay qaateen ay u daahfureen aqoon cusub, xildhibaannada ku qalabayeen aalado cusub oo casri ah oo ay ku kala gartaan hoggaamiyaha dhabta ah iyo hoggaamiye isu ekaysiiyaha.

Dr. Cabdiwaaxid Goonjeex, raysalwasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, kana mid ahaa musharraxiintii xilka madaxweyne ee 2012-ka, ayaa tilmaamay in seminaarku ku soo beegmay waqtigii saxda ahaa. Cabdiwaaxid waxa uu xusay in seminaarku ku soo beegmay waqti isbeddello waaweyn laga rajaynayo hoggaanka cusub ee Soomaaliya, xildhibaannada iyo dhammaan mas'uuliyiinta kale, seminaarkuna iftiimiyey siyaabaha hoggaamiyayaashu u horseedaan isbeddello bulshadu ku baraarto.

Dr. Cabdirashiid Maxamed Dirir oo xiritaankii seminaarka kelmad kooban ka jeediyey ayaa isna tilmaamay in ogaantiis seminaarkaani yahay midkii ugu waxtarsanaa ee loo qabto xubno ka mid ah Baarlamaanka iyo mas'uuliyiinta kale ee dalka.

Seminaarkaani waa midkii labaad ee ay iska kaashadaan hey'adda Buux Consulting iyo Al-Manhal oo lagu qabto dalka gudihiisa. Waxaa seminaarkii midkaan ka horreeyey lagu qabtay magaallada Garoowe, Puntland.



Saciid Cali Shire
Buux Consulting
www.buuh.net

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)