Somali News
    Hees  

Muwaadin Soomaaliyeed oo dacwad uga socoto dalka Maraykanka oo kaa yaabiyay dadkii maxkamada ku sugnaa

Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Muwaadin Soomaaliyeed oo dacwad uga socoto dalka Maraykanka oo kaa yaabiyay dadkii maxkamada ku sugnaa

Muwaadin Soomaaliyeed oo maxkamad lagu soo taagay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa maxkamada ka hor sheegay inuu xanuunsan yahay una baahan yahay inuu is daweeyo ka hor inta aan la maxkamadeyn.

Muwaadinkaan oo lagu magacaabo Max’ud Saciid Cumar aya amaxkamada ka sheegay inuu qabo xanuuno ay ka mid yihiin waxa Rooxaanta iyo Jinka la yiraahdo habeenkiina uu ku qarwo dad reer Aakhiraad ah sida uu yiri waxaana uu maxkamada ka sheegay inuu u baahan yahay daawo dhaqameed.

Max’ud Saciid Cumar oo loo haysto inuu dhaqaale ku taageeray Xarakadda Al-Shabab ayaa sheegay inuu aad u xanuunsan yahay isla markaana uusan seexan muddo dheer kana dalbanayo maxkamada inay muddo fasax siiso si uu isku daweeyo.

"Rooxaan iyo Jin ayaan qabaa xilli walbana reer Aakhiraad ayaan arkaa waxaan u baahanahay daawo dhaqameed" ayuu maxkamada ka hor yiri Max’ud Saciid Cumar oo loo haysto inuu Shabab taageeray sida lagu qoray qaar ka mid ah wargeysyada Maraykanka kasoo baxa.

Muwaadinkaan ayaa dacwadi ku socotaa tan iyo sanadkii 2009 waxaana lagu eedeeyay inuu lacago fara badan usoo dirayo Al-Shabab isla markaana uu ku lug lahaa dhalinyaro oo Maraykanka kasoo tagay kuna biiray dagaalyahanada Al-Shabab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)