|
Colonel Cyrus Oguna: “Diyaaradaheena waxay dhulka la simeen bakhaaro hub ugu jiray Al-Shabab..."
Mogadishu Arbaco 26 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Colonel Cyrus Oguna: “Diyaaradaheena waxay dhulka la simeen bakhaaro hub ugu jiray Al-Shabab waxaana goobtaasi ku dilnay dagaal yahano illaalo ka hayay bakhaaradaas”
Colonel Cyrus Oguna oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntii galinkii dambe ee shalay ay diyaaradahooda ka geysteen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay ku bur buriyeen baqaaro hub ugu keydsanaa Xarakadda Al-Shabab sida uu yiri.
Colonel Cyrus Oguna waxaa uu sheegay in duqeynhta ay diyaaradahooda geysteen ay laheyd bar tilmaameed saxan oo lala helay halkii loo baahnaa waxaana uu intaa ku daray in labo bakhaaro waa weyn oo hub ugu jiray sida uu yiri.
“Diyaaradaheena waxay dhulka la simeen bakhaaro hub ugu jiray Al-Shabab waxaana goobtaasi ku dilnay dagaal yahano illaalo ka hayay bakhaaradaas” ayuu yiri Colonel Cyrus Oguna oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga.
Wararka aynu ka helnay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in duqeyntii shalay gabbal dhacii ka dhacday magaalada Kismaayo aysan wax khasaaro ah geysan oo diyaaraduhu duqeyeen meel banaan ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|