|
Shir loog hadlaayay arraha dalka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada NewYork
Mogadishu Khamiis 27 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shir loog hadlaayay arraha dalka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada NewYork
Magaalada New York ee wadanka Mareykanka waxaa lagu qabtay shir gaar ah oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya, shirkaasi oo Guddoominayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madax ka tirsan dowladaha caalamka.
Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galay madaxdadalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo diirada lagu saaray arimaha Soomaaliya iyo waliba isbeddallada ka dhacay dalka iyo sidii ay beesha caalamku taageero uga geysan lahayd.
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi uga qeyb qaatay qadka isgaarsiinta taleefanka, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay xaaladihii fowdada iyo KMG-nimada, isla markaana uu u baryay waa' cusub, isagoo ka codsaday beesha caalamka in dowladiisa la taageero.
"Dadka Soomaaliyeed waxay ku faraxsan yihiin isbedelka dalkooda ka dhacay, iyagoo dowladooda taageero u muujinaya" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhinaca kale sheegay in Soomaaliya ay iminka u baahan tahay inay ka gudubto wixii ay horay u soo martay.
Shirka gaarka ah ee ka dhacay magaalada NewYork loogana hadlayay arrimaha Soomaaliya waxaa sidoo kale ka hadlay madaxda dowladihii ka qeyb galay oo uu ka mid ahaa Ra'iisal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron, wuxuuna caddeeyay in wadanka Soomaaliya isbedelada ka dhacay ay yihiin tallaabo horay loo qaaday oo taariikhi ah.
Jin Ping Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb galay kulankaasi, wuxuuna tilmaamay in xaalada amni iyo maamul dowladeed ay soo hagaageyso.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|