|
Mareykanka oo dalbaday in la magacaabo Ra'iisulwasaare fahmi kara rabitaanka
shacabka soomaaliyeed
Mogadishu Khamiis 27 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mareykanka oo dalbaday in la magacaabo Ra'iisulwasaare fahmi kara rabitaanka
shacabka soomaaliyeed
Xogayaha arimaha dibadda dalka Mareykanka Hellary Cilinton oo hadal ka
jeesiy shirka QM ay ka yeelatay arimaha Somalia ayaa madaxweye Xasan
Sheekh Max’ud waxa ay ku dhiiri gelisay inuu soo magacaabo reysul wasaare
karti leh kaas oo soo dhisa golo wasiiro oo tayo leh oo ka shaqeenaya
rabitaanka shacabka soomaaliyeed.
Hellary Cilinton ayaa sheegtay in lama huraan ay tahay in dowladda
cusub ee somalia iyo xukuumadda la soo dhisi doono mudnaantooda
koowaad ay siiyaan sinaan iyo cadaalad si ay u soo jiitaan niyadda
shacabka soomaaliyeed oo haatan qaarkood la dhibaatoonaya xaalado
dhinaca bini’aadinimada ah sida ay tiri.
"Dowladda mareykanka waxa ay caawin buuxda ay siineysaa dowladda cusub
ee somalia , waxana ay ka saacideysa dhinac waliba hadii ay
ahaanleheyd hanashada amaanka dalka oo dhan , u gar gaaridda dadka
dhibaateysan , dib u dhiska dalka "ayay hellary Cilinton ka sheegtay
hadalkii ay jeedisay shirkii QM ee magaalada Newyor ee arimaha Somalia
diiradda lagu saaray.
Dib u dhiska maxkamadaha dalka iyo hey’adaha amaanka , dib u celinta
qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka dibaddiisa gaar ahaana
kenya , gacan ku dhigidda goobaha ay ka taliyaan xarakada al shabab
ayay hellary kiln tilmaamtay in dowaldda mareykanka dowladda cusub ee
somalia ay ku gacan siineyso.
Haweeneydan arimaha dibadda u qaabilsan Mareykanka sidoo kale waxa ay
soo hadal qaaday arimaha bini’aadinimada , waxa ay sheegtay in 2
million oo ruux oo soomaali ah ay weli heyso nolol xumo oo ay u
baahanyihiin inay helaan hooy , daawo ,biyo nadiif ah iyo adeegyada
kale ee aas aasiga ah.
Gabagabadii hadalkeeda ayaa Ms Cilinton waxa ay tibaaxday in
mareykanku wax waliba ha ku qaadatee uu isku taxalujinayo in Somalia
uu ku gacan qabto sidii ay uga guuleysan laheyd wajiga cusub oo ay
hadda gashay , waxana dowladda cusub ay u rajeysay mid shacabka
soomaaliyeed hilmaamsiisa wixiii ay soo mareen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|