Somali News
    Hees  

Kooxda Alshabaab oo shalay galabtii Degmada Buuloburte ku gubtay Raashin ay leeyihiin Ganaacsato Degaanka

Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Kooxda Alshabaab oo shalay galabtii Degmada Buuloburte ku gubtay Raashin ay leeyihiin Ganaacsato Degaanka

Wararka laga helaayo Degmada Buuloburte ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Kooxda Alshabaab ee wali ku sugan qeybo ka tirsan Gobalkaasi in ay si sharci daro ah ku gubtay raashin uu laahaa mid ka mid ah ganaacsatada Degmadaasi iyadoo aanu jirin sabab lagu qanci karo oo raashinkaasi lagu gubo.

Raashinkan Shacabka lahaa ee la gubay ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa uu ahaa mid laga soo raray mid ka mid ah Baqaarada Degmadasi iyadoo ganaacsadahii lahaa lagu qasbay in xitaa gaarigiisa uu ku daabo hantidiisa oo la baa,binaayo.

'' mar kaliya ayaaan ka war helnay in uu jiro xukun ay kooxda ku fulineyso ganaacasade Kibray oo ay ula jeedaan in ninka iska leh hantida la gubaayo uu yahay nin aan la dhacsaneen siyaasada kooxda " sida uu sheegay midka ka mid ah dadka degaanka oo ka baqay intaa wax dhaafsiisan in uu saxaafada u sheego.

Cuntada la gubay ayaa logu mar marsiyooday in ay isugu jirto kuwa dhacay iyo kuwa ay bixiyaan hay,adaha samafalka oo ay kooxda kal hore u diiday in ay caawiyaan dadka dhibaateysan ee ku hoos nool deegaanada ay xooga ku haystaan.

Max,ed Nuur Buulaay waa ganaacsadaha raashiinka iska leh waxaa uu sheegay in uu yahay nin diiday in uu awaamirtooda u hogaansamo maadaama si joogta ah ay kooxda baad uga qaado sidaas darteed waxaan go,aansaday wixii igu dhacaba in aan u dulqaadan baada hada wixii ka dambeeya .

Deeganada ay wali ku harsantahay Kooxda ayaa waxaa ka jira Cabasho ay dadku ka cabanayaan dhibaato joogto ah iyo dhac loo geysto hantida dadka aan kooxda ka mid aheen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)