Somali News
    Hees  

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada B/Weyne oo bilaabaya howlgaladii ugu ballaarnaa

Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada B/Weyne oo bilaabaya howlgaladii ugu ballaarnaa.

Magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan waxaa shalay ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen madaxda maamulka Hiiraan, waxgaradka gobolka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM/Jabuuti, kulankaasi oo looga hadlayay arrimaha amniga gobolka ayaa waxaa la iskula soo qaaday qaabka loo wajahayo howlgallo saf ballaaran oo la qorsheeyay in laga sameeyo magaalada gudaheeda.

Md. Maxamed xasan Nuuriye oo ah duqa magaalada B/Weyne ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka ay la yeesheen ciidamada AMISOM ujeedadiisa ay tahay sidii loo xasilin lahaa guud ahaan amniga ka jira gobolka Hiiraan, isagoona tilmaamay in saraakiisha AMISOM ay go'aan ku gaareen sidii arrintaasi loo wajihi lahaa.

"Maamulka iyo shacabka gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM waxay isku af garteen in la adkeeyo amniga gobolka" ayuu yiri duqa magaalada B/Weyne oo sidoo kale sheegay in dhowaan magaalada B/Weyne laga sameynayo howlgallo baaritaano guri guri loo gelayo gudaha magaaladaasi.

Dhinaca kale sarkaal u hadlay ciidamada AMISOM/Jabuuti ayaa sheegay in marka la dhameeyo degitaanka cutubyo ciidamadooda ah oo dhowaan tegay magaalada B/Weyne ay bilaabayaan howlgallo lagu baacsanayo kooxaha dhibaatada ka wada gudaha gobolka Hiiraan.

Sarkaalkaan ayaa caddeeyay in iyagu aysan dhibaato u wadin shacbiga ku dhaqan gobolka Hiiraan, wuxuuna ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan arrimaha amniga iyo xasiloonida gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo ay is af garanayaan, isla markaana ku soo wargeliyaan hadiiba ay arkaan qof dhibaato ku ah nabadgelyada gobolka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)