Somali News
    Hees  

Maxay doonayaan kuwa Weriyeyaasha dilaya?!! (Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun)

Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maxay doonayaan kuwa Weriyeyaasha dilaya?!! (Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun)

Waxaan shaki ku jirin in qof walba uu la kulmaayo geerida oo uu maalin un dhimanaayo,
waxaa kaloo xaqiiqa ah in laga guulaysan doono insha allaah kuwa nolol iyo nabad diiddka oo ku haaya shacabka Soomaaliyeed falalka ah dilka iyo argagixiska kuwaasi waxay ku riyoonayaan in ay ku qasbaan shacabka soomaaliyeed in ay qaataan fikirkooda qaldan, waxayna caadaysteen in shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax garadka ah, aqoonyahaniinta, cululmadii,siyaasiyiintii iyo shacabkii u soo istaagay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dalkooda ay ku beeraan khalkhal iyagoou adeegsanaayo falal isqarxin, iyo dil ah.

Waxaa jirta in baryaraahaan dambe falal dil iyo ismiidaamin ah loo geeysanaayo bahda saxaafadda kuwaasoo aan ku tilmaami karo in ay yihiin INDHIHII DALKA, DHAGAHII DADKA, IYO CODKII SHACABKA.

Waxayse Nolol iyo nabad diidku is tuseen in ay kaga hortagaan falal Argagax ah si ay howshaas u hakato si shacabka Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwa Dhaga Awdan, Indha Xiran Iyo Kuwa afduuban, Balse arrinkaas
SOOMAALI WAA AY DIIDAY.

Sawirka aan u soo qaatay maqaalkeyga waxaan ugu talaga galay in aan tuso shacabka soomaaliyeed waa sawir aan is leeyahay waxuu ka turjumayaa Riyada Iyo Rabitaanka Nabad nolol diidka,Balse SOOMAALIDU WAA AY DIIDEN IN AY NOQDAAN KUWA LA DHAGAXIRO. LANA DHAAYO DABOOLO.

Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan intii geeriyootay waxaan ilaah uga baryayaay in uu janadii fardowsa geliyo, kuwa dhaawaca ahna uu ilaaheey bogsiiyo.

Waxaan shacabka soomaaliyeed meel kasto ay joogaan kula dardaarmayaa in ay meel uga soo wada jeestaan cadowga soomaalieed oo ah kuwaan gumaadka ku haayo dadka Soomaaliyeed.

waxaan xukuumadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay la timaado wax qabad dhab ayna tusto shacabka soomaaliyeed kalsooni ay kula shaqeeyaan, kuwa nolol nabad diidka ahna gacan bir ah kula dagaalaanto.

GUUL:::::::::::::::::::GUUL:::::::::::::::::::GUUL::::::::::::::::::::::::::

Waxaa Qoray:-
Abdullahi Yussuf Absuge

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)