Somali News
    Hees  

Hargeysa: Dugsiyada Caanka Ah Ee Al-Furqaan Oo Xaflad Sagootin Ah U Sameeyey 12 Arday Oo Qalin-Jabiyey Isla Maantana U Amba-baxay Deeq Waxbarasho Oo Ay Ka Heleen Dalka Suudaan

Jimco 28 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hargeysa: Dugsiyada Caanka Ah Ee Al-Furqaan Oo Xaflad Sagootin Ah U Sameeyey 12 Arday Oo Qalin-Jabiyey Isla Maantana U Amba-baxay Deeq Waxbarasho Oo Ay Ka Heleen Dalka Suudaan

- Madarasadda caanka ah ee Al-Furqaan ayaa shalay galinkii dambe xaflad ballaadhan oo sagootin ah u qabatay 12 Arday oo Wiilal iyo Hablo isugu jira oo ka qalin-jabiyey, isla markaana deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan.

Ardaydan oo maanta u ambabaxaya wadankaasi Suudaan, ayaa waxaa sagootintoodaasi oo lagu qabtay isla dugsiga isugu yimi Culimo, Salaadiin, Abwaano, Waalidiin, Macalimiinta iyo maamulka dugsiga, Arday iyo marti sharaf kale oo fara badan.

Waxaana dadkii munaasibaddaasi ka hadlay ka mid ahaa maamulaha dugsiyada Al-Furqaan Sheekh C/laahi Cabdi Cali, Waxaanu mahad-naq ballaadhan u jeediyey marti-sharaftii xafladda iyo ardayda, gaar ahaan kuwa maanta u baxaya dalka Suudaan.

Sheekh C/laahi waxa uu sheegay in madarasadda Al-Furqaan ay sannadkan ugu dambeeyey ka qalin-habiyeen Lodkii sagaalaad. Waxaanu ugu bushaareeyey ardayda in deeqdan waxbarasho ay ka heleen Labada Jaamacadood ee kala ah Jaamacatul Ifriiqiyal Caalamiya Iyo Jaamacatul Axfaad.

Maamuluhu Waxa uu ka sheekeeyey doorka ay madarasadda Al-Furqaan ka qaadatay kagana jirto waxbarashada dalka, isagtoo tilmaamay in midhaha ugu muhiimsan ee maanta la munaafacaadsadaa ay ka baxeen dugsiyada Al-Furaan.

Sheekh C/laahi Cabdi Cali waxa uu madashaasi ka sheegey in 12-ka Arday oo isugu jira Wiilal iyo hablaba ay maanta u baxayaan dalka Suudaan. Halka Todobaadka soo socdana uu qorshuhu yahay in dufcada labaadna bixi doonto.

Maamulaha dugsiyada Al-Furaan Sheekh C/laahi Cabdi Cali waxa uu ardaydan maanta dhoofaysa kusii sagootiyey dardaaran culus oo ka koobnaa saddex qodob oo kala ah

- In gacanta midig iyo gaws-dambeedka lagu qabto diinteena Suuban.

- In waxbarashada lagu sabro lagana midho-dhaliyo

- In la xoojiyo Isku-duubnida Ardayda.

Suldaan Axmed-daahir Muuse oo isna goobtaasi hadal qiimo badan ka jeediyey ayaa ka warramay faa?iidada Cilmiga, waxaanu kula dardaarmay ardayda maanta u baxaysa Suudaan, inay ilaalashadaan diintooda iyo akhlaaqdooda, kana feeejignaadaan waxkastoo dambi iyo dibu-dhacba ku ah, waxaanu yidhi oo hadalladiisii ka mid ahaa "Waxaa loo baahanyahay inaad safiiro u noqotaan Diinta, Akhlaaqda, Somaliland, Guriga iyo madarasadda aad ka tagaysaan"

Abwaan Muuse Cali Xirsi oo ah Suugaanyahan caan ku ah had iyo goor ugu hiiliya Hal-abuurkiisa diinta Islaamka, ayaa isaguna munaasibaddaasi ka jeediyey Gabay aad loola dhacay oo dulucdiisu ku qotontay isla munaasibaddaasi.

Sheekh C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ka mida culimada dalka isla markaana dalal badan oo caalamka ah soo maray ayaa isna talooyin dhaxal-gal ah oo dhan walba leh siiyey ardayda, waxaanu ka sheekeeyey qisooyin dhacay oo baraarujin iyo dardaaran ugu filan.

"Inantaanu ku aragno inay nin ajanabiya la socota waanu u digi jirnay...Soodaanta anuu waan aqaanaa, hablaha Soomaalida aadbay u jecelyihiin,..."ayuu yidhi Sh C/raxmaan isagoo ardayda kula dardaarmaya inay ilaaliyaan hablaha walaalahood ah ee deeqda waxbarasho la wadaagaya.

Waxa kale oo Sheekhu ardayda u jeediyey inay wakhtiga ka faa?iidaystaan, soona bartaan wax wanaagsan oo if iyo aakhiraba anfaca. Isagoo dumarkana si gaara ugu dhiiri-galiyey waxbarashada, kuwa maanta baxayana kula taliyey inay dhalmada oo aad loogu baahi qabo ay soo bartaan.

Umal-khayr Maxamuud Cismaan oo sannadkan kaalinta koowaad ka gashay dugsiyada hoos yimaada Qarnul-Ifriiqiya, kana tirsan ardayda maanta u baxaysa dalka Suudaan ee ka qalin-jabisay dugsiga sare ee Al-Furqaan ayaa munaasibaddan kalmad qiimo badan oo mahad-naq, hoga-tusaalayn, iyo dardaaranba halkaasi ka jeedisay.

Dugsiyadan Al-Furqaan oo ah madarasadaha ugu caansan isla markaana ugu qadiimisan dalka Somaliland ayaa waxaa sannadkii 1981-kii laga aasaasay dalka Jabuuti, waxaanay qaybaha Somaliland la furay xilligii dalka lagu soo laabtay. Tan iyo wakhtigaasina waxaa ka ka qalin-jabiyey dufcaddii Sagaalaad.


Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388 
mustaqbal7@hotmail.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)