|
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo saacadaha soo socda la wareegaya magaalada Kismaayo iyo Gudaha Magaaladaasi oo uu dagaal ka socdo
Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo saacadaha soo socda la wareegaya magaalada Kismaayo iyo Gudaha Magaaladaasi oo uu dagaal ka socdo.
Waxaa saakay aad u kacsan xaaladda magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose, kaddib markii magaaladaasi ay afar jiho ka soo weerareen ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, iyadoo dagaallo fool ka fool ah iminka ay ka socdaan meel magaalada hareerteeda ah.
Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa shabakadaan u sheegay in saakay aroortii hore magaaladu ay gashay xaalad cabsi iyo welwel leh, kaddib markii maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab la sheegay inay dadka ugu yeerayeen dagaalka inay ka qeyb qaataan, iyagoo gudaha magaalada ka sameynayay isu hub urursi iyo abaabullo dagaal.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalada saakay ka socda gudaha magaalada Kismaayo ay ka qeyb qaateen duqeymaha diyaaradaha ciidamada AMISOM/Kenya, kuwaasi oo si xun u duqeeyay xaruntii ugu weyneyd ee maleeshiyaadka Shabaab iyo Al-Qaacida ku lahaayeen halkaasi, goobtaasi oo ahayd meel buuraley ah.
Dhinaca kale iyadoo weli ay socdaan dagaalada iyo duqeymaha ayaa la sheegayaa in halkaasi uu ka dhashay qasaarooyin kala duwan oo ay u geysteen dhinacyada dagaalamaya iyo dad rayid ah, hase yeeshee waan idiin soo gudbineynaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|