|
C/wali Gaas Ra'iisul wasaarihii hore oo b aaq u diray qurbo joogta Soomaaliyeed
Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

C/wali Gaas Ra'iisul wasaarihii hore oo b aaq u diray qurbo joogta Soomaaliyeed
R/wasaarihii ugu dambeeyay ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya C/weli Max’ed Cali Gaas oo warfdiyeenada kula hadlay magaalada New York ee xarunta QM ayaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ugu baaqay in dib dalkooda ay ugu laabtaan oo ay maalgashadaan maadaama uu sheegay in dalka Soomaaliya uu sameeyay horumar dhinaca amaanka sida uu yiri.
C/weli Gaas oo dowladda Soomaaliya ay u xilsaaratay ka qeybgalka shirka Q,M haddana ah xildhibaan barlamaanka ka tirsan ayaa sheegay in Soomaalida ku nool qurbaha haddi ay dhaqaalo gashtaan dalkooda hooyo ee Soomaliya laga maarmayo in dalalka caalamka ay naga gacan siiyaan dib u dhiska dalka Soomaaliya .
"Waxaan baaq u jeedinayaa Soomaalida ku nool daafaha caalamka , waxaan leeyahay dalkiina dib ugu laabta kana shaqeeya sidii dalka Soomaaliya mustaqbalka uu u noqon lahaa mid isku filnaasho gaaray" ayuu ku yiri R/wasaarihii xukuumaddi ku meel gaarka aheyd ee waqtigeedu dhamaaday
Xildhibaan Gaas waxa uu sheegay in ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM oo gacan isa siinaya ay wiiqeen awooddi Xarakadda Al Shabab haatana amaanka goobo badan oo dalka Soomaaliya ah uu yahay mid wanaagsan sida uu yiri.
Tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib ayaa Soomaali badan waxa ay maciin bideen in dalka ay isagatagaan oo qurbaha ay ku noolaadaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|