|
Human Rights Watch oo dalbatay in la dhawro xaquuqda dadka Shabaab lagu eedeynaayo inay ka tirsan yihiin
Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Human Rights Watch oo dalbatay in la dhawro xaquuqda dadka Shabaab lagu eedeynaayo inay ka tirsan yihiin.
Hey’adda u dooda xuquuqda bini’aadamka ee Human Rights Watch la yiraahdo ayaa dowladda somalia waxa ay ka dalbatay inay ilaaliso xuquuqda dadka eedeesanayaasha ah oo ay caruurta ay ku jiraan ee lala xiriirinayo inay yihiin Al-Shabab oo maalmihii la soo dhaafay laga soo qab qabtay gudaha magaalada Muqdisho kadib howlgallo ay sameeyeen ciidamada dowladda somalia , waxana Human Rights Watch ay ku dhiiri gelisay dowladda cusub ee somalia in maxkamnad cadaalad ah ay soo taagto dadka ku xerxeran xabsiyada dowladda ay maamushu .
Sarkaalad sare oo ka tirsan Human Rights Watch oo magaceeda la yiraahdo Laetitia Bader ayaa warbhaahinta u sheegtay iyadoo ku sugan magaalada Geneiva in ciidamada dowladda Somalia qaraxyadii ismiidaaminta kadib ay soo xerxereen dhallinyaro badan iyo saddex caruur kuwaas oo qaarkood la soo qabtay iyagoo iskuulo u socda , waxana uu sheegay in dowladda somalia looga baahanyahay inay sii deyso sadexdaasi caruurta ah oo hey’addu ay sheegtay inay ahaayeen arday dhigata iskuulo ku yaala magaalada Muqdisho
"waxaan dowladda Somalia ka dalbaneynaa inay ilaaliso sharciga xuquuqul aadanaha oo Somalia ay saxiixday oo ay ka fogaato xadgudub ka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha , waa in baaritaano qoto dheex ay ku sameysaa dadka u xer xeran oo al shabab inay la shaqeeyaan lala xiriirinayo , kuwii dambi ay ku weyso ay sii deyso kuwii ay ku heshana ay la tiigsato maxkamad cadaalad ah " ayay tiri sarkaalkaani ka tirsan Human Rights Watch , waxana ay intaasi ku dartay in dowladdii KMG aheyd ay xer xertay caruur aan wax xiriir ah lalaheyn al shabab , dowladda cusubna ay muhiim ay tahay in si dhaqsi ay u sii deyso caruurtaasi.
Hey’adda nabad sugidda dowladda Somalia ayaa todobaadkan soo qabatay saddex caruur ah oo al shabab ay la xiriirineyso , waxana ay soo bandhigtay walxaha qarxa oo ay sheegtay in caruurtaasi ay aasayeen balse Human Rights Watch waxa ay dowladda ka dalbatay in caruurtaasi ay sii deyso maadaama ay ahaayeen arday iskuul dhiganayay oo al shabab wax lug ah aan ku laheyn.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|