Somali News
    Hees  

Weriye C/raxmaan Max'ed Cali oo Muqdisho lagu aasay maanta kaddib markii la arkay isagoo qoorta laga jaray

Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Weriye C/raxmaan Max'ed Cali oo Muqdisho lagu aasay maanta kaddib markii la arkay isagoo qoorta laga jaray

Allaha u naxariistee Werriye C/raxmaan Maxamed Cali ayaa saakay lagu aasay magaalada Muqdisho, kaddib markii meydkiisa oo qoorta laga jaray la soo dhigay degaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah ehelada weriyaha, dilka weriyaha ayaan la ogeyn cida ka dambeysay iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in weriyaha uu tegay maalin kahor degaanka Suuqa Xoolaha si uu u soo salaamo hooyadii oo ku nool xaafad ka tirsan Suuqa Xoolaha.

Aaska Weriye C/raxmaan Maxamed Cali ayaa waxaa ka soo qeyb galay eheladiisa iyo dhammaanba asxaabtiisa, iyadoo waalidka weriyaha ay sheegeen in wiilkooda ay dileen gacmo ka gar daran, isagoo maalinta qiyaamahana laga jaazinayo qofkii falkaasi ka dambeeyay.

Dhinaca kale dadka degan goobta laga helay meydka weriye C/raxmaan Maxamed Cali oo u shaqeynayay Shabakadda Sports-ka ka hadasha ee lagu magacaabo www.ciyaarahamaanta.com ayaa si weyn uga walaacay falkaasi arxan darrida ah oo lagula kacay Weriyaha.

Weriyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday weriye C/raxmaan Maxamed Cali oo gacan ka gar daran ay ruuxiisa dhaafiyeen, waxaana dambaareyneynaa kooxihii ka dambeeyay falkaasi waxashnimada ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)