|
Augustine Mahiga : "Al-Shabab waxaa hadda muuqata in la laga adkaaday oo lagu jabiyay dagaaladii ay ku jireen waxaase jirta halis ah inay xoojiyaan weerarada argagixisinimo ee ay geystaan"
Mogadishu Sabti 29 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Augustine Mahiga : "Al-Shabab waxaa hadda muuqata in la laga adkaaday oo lagu jabiyay dagaaladii ay ku jireen waxaase jirta halis ah inay xoojiyaan weerarada argagixisinimo ee ay geystaan"
Wakiilka xog’hayaha guud ee Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjira Augustine Mahigaayaa sheegay in la jabiyay Xarakadda Al-Shabab oo ay ku dhaw yihiin inay bur buraan.
Hadal uu warbaahinta siiyay ayaa waxaa uu sheegay in awoodii Al-Shabab si buuxda loo wiiqay isla markaana ay magaalada Kismaayo noqon doontoo meeshii ay ku dhamaan lahaayeen.
Ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa waxa uu sheegay Magaaladii ugu muhiimsaneed ee koofurta Soomaalia ay al-Shabaab ka maamulayeen ee Kismaayo laga qabsaday taasina uu sheegay inay gaba gabo u noqon doonto jiritaanka Xarakada Al-Shabaab.
"Al-Shabab waxaa hadda muuqata in la laga adkaaday oo lagu jabiyay dagaaladii ay ku jireen waxaase jirta halis ah inay xoojiyaan weerarada argagixisinimo ee ay geystaan" ayuu yiri Augustine Mahiga.
Danjire Mahiige waxa uu shaaciyay in talaabada uu ku sheegay in Shabaab looga saaray Kismaayo ay yareyn doonto Weeraadii ay ka geysan jireen gudaha Soomaalia iyo Wadamada dariska ah maadaama Magaaladaasi ay tahay Istiraatiiji sida uu xusay.
Xarakadda Al-Shabab oo willi maamulo deegaano ku yaala gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa willi awood u leh inay dagaalamaan sid ay sheegeen dadka falanqeeya arrimaha amaanka gobolka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|