|
Qarax Bam oo lagu weeraray suuq ku yaala magaalada Baydhabo ee gobolka Bay
Mogadishu Sabti 29 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qarax Bam oo lagu weeraray suuq ku yaala magaalada Baydhabo ee gobolka Bay
Waxaa qarax bam maanta uu ka dhacay suuq ku yaala magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kaasoo sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay ku waramayaan wararka magaaladaas naga soo gaaraya.
Dad ku sugan Baydhabo ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday bam gacanta laga tuuray nooca loo yaqaano F-1, iyadoo daryankiisana laga maqlay inta badan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
"Qaraaxaas waxaa ku dhintay hal ruux labo kalena wey ku dhaawacmeen, dhamaantoodna waa shacab, mana jiraan askar qaraxaas ku dhimatay oo goobta joogtay, dhowr qof oo laga shakiyey ayaana loo soo qabqabtay" ayuu intaa ku daray Taliyaha booliska magaalada Baydhabo Col. Mahad C/raxmaan
Dhanka kale halka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlada Soomaaliya iyagoo halkaas ka sameeyey howlgalo baaritaan ah oo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey qaraxaas sababay khasaaraha.
Taliyuhu waxa uu sheegay in qaraxaas uu ka dhacay Suuq ay ku ganacsadaan dadka looxda ka qora geedaha oo ku yaala magaalada Baydhabo uuna geystay khasaare nafeed, wuxuuna sheegay inay ciidamadu wadaaan baaritaano la xiriira sidii ay ku ogaan lahaayeen kooxihi falkaasi ka dambeeyay..
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|