Somali News
    Hees  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la Kulmay Ururrada Bulshada Rayidka

Mogadishu Sabti 29 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Ururada Bulshada rayidka ayaa ugu baaqay inay kala shaqeeyaan ammaanka iyo xasiloonida dalka.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyay noociisa oo uu Madaxweynaha la qaato Ururada Bulshada rayidka tan iyo 10-kii bishan ay doorteen Baarlamaanka ayaa waxaa uu ka dalbaday inay muujiyaan doorkooda ku aadan hogaaminnta bulshada.

Xubnaha bulshada rayidka ee ka qeyb galay kulanka ayaa waxay u cadeeyene Madaxweynaha inay la shaqeyn doonaan dowladda, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan samata bixinta dalka, iyagoo soo dhoweeyay is bedelka cusub ee uu galay dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu ka hortagi doono musuq maasuq, si loo helo dowladda tayo leh oo dalka u horseedi cadaalad iyo kala dambeyn.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay bulshada rayidka in falalka amni darada iyo qaraxyada laga soo maleego guryaha, isla markaana la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii loo dhaariyay xilka Madaxtinimada ayaa waday kulamo uu la lahaa Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaaliyed, si uu ugu muujiyo dadaalkiisa.





Suldan A. Farahseed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)