|
Max’ed Mursi : "Soomaaliya waa dal aan walaalo nahay, waxaana ka gacan siin doonaa tababarida Ciidamada..."
Mogadishu Axad 30 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Max’ed Mursi : "Soomaaliya waa dal aan walaalo nahay, waxaana ka gacan siin doonaa tababarida Ciidamada..."
Hadal uu jeediyay M/weynaha dalka Masar Max’ed Mursi ayaa sheegay inay tababaro siinayaan ciidamada dawlada Soomaaliya si ay ugu guulaystaan sugid aamaanka dalka.
Max’ed Mursi M/weynaha Masaarida waxaa uu sheegay in dawladiisu ay ka qeyb qaadanayso caawinta dawlada iyo bulshada Soomaaliyeed si gaar ah waxaa uu sheegay inay tababaro siinayaan ciidamada Soomaaliya oo uu sheegay inay ku guulaysan karan sugida amaanka haddii ay tababaro wanaagsan helaan.
Mursi waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in ciidamada Soomaalida ay awood u yeelan karaan sugida amaanka dalka oo dhan mar haddii ay Soomaaliya ka baxday ka baxday ku meel gaarnimada.
Mar uu ka hadlayay waxa sababay dhibaatada mudada dheer Soomaaliya ka jirta ayaa waxaa uu sheegay inay salka ku hayso xag jirnimada iyo diinta Islam oo dadka qaarkiis sii qaldan loo fahamsiiyay sida loola dagaalami karana ay tahay in dadka diinta si sax ah loo baro.
"Soomaaliya waa dal ay dhibaato badan soo martay waxaana u baahan yahay gacan siin dhab ah annaguna doorkeena ayaanu ka qaadanaynaa waxaana tababari doontaa ciidamada Soomaaliya" ayuu yiri M/weynaha dalka Masar Max’ed Mursi.
M/weynuhu waxaa kaloo uu sheegay inuu soo dhaweynayo guulahay ay Soomaaliya ka gaareen ciidamada dawlada iyo kuwa midawga Africa ee ee AMISOM.
Dawlada Masar waxay ka mid tahay dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyadoona daklkaasi ay Sooomaali badan oo dhibaatada dalka ka jirta ka cararay ay ku nool yihiin.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|