Somali News
    Hees  

Isku soo bax lagu taageerayo qabsashada magaalada Kismaayo oo Muqdisho maanta lagu qabtay. (Daawo Sawirada)

Mogadishu Axad 30 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Isku soo bax lagu taageerayo qabsashada magaalada Kismaayo oo Muqdisho maanta lagu qabtay. (Daawo Sawirada)

Boqolaal dadweynaha degan magaalada Muqdisho ayaa maanta isu soo bax weyn ka dhigay degmada Warta Nabadda, waxayna dadweynaha oo sita boorar ay ku qornaayeen "Khawaarij ajnabi ah dalkeena kuma dhuuman karo" iyo ereyo kale, kuwaasi oo isugu soo ururay xarunta degmadaasi.

Isu soo baxa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay iska kaashadeen Hay'adda Wadahadalka Bulshada CCD, maamulka degmada Warta Nabadda iyo ayaa ururrada haweenka degmadaasi, waxaana sidoo kale ka soo qeyb dadweynaha qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir.

Madax ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin: Wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiyaha G/Banaadir, Guddoomiyaha Warta Nabadda iyo Guddoomiyaha haweenka Warta Nabadda, K/Xigeenka safiirka Jabuuti iyo madax kale ayaa ka soo qeyb galay, waxayna khudbado kala duwan oo ay uga hadlayaan qabsashada magaalada Kismaayo oo gacanta u gashay ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Md. C/Samad Macallim Maxamuud oo halkaasi ka jeediyay khu8dbad furitaanka isu soo baxa ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay fahmeen dhagarta kooxaha Shabaab isla markaana ay ogaadeen in waxa ay wadaan aanay diin ahayn.

"Guulaha Kismaayo laga gaaray waxay astaan u tahay soo afjaridda kooxaha Shabaab iyo dhagartoodii diin ka been sheegidda ahayd" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka ah C/Samad Macallim Maxamuud intaasi raaciyay inay jiraan daldaloolo ay suuragal tahay inay kooxahani uga faa'iideystaan, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay ka hortagaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa khudbad dhinacyo badan halkaasi ka jeediyay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in kooxda Al-Shabaab mar haddii Kismaayo ay isaga baxeen ay ku soo laabanayaan magaalada Muqdisho si ay dib uga bilaabaan falalkoodii guracnaa.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Tarsan in kooxaha Shabaab ee Kismaayo laga soo eryay ay Muqdisho ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna sheegay in shacabka Muqdisho ay soo sheegaan kooxaha dhuumaaleysanaya, isagoo u ballanqaaday qofkii soo sheega Al-Shabaab damacsan inuu fal geysto oo arrintaasina run ay noqoto la siinayo lacag dhan $2000 (Laba Kun Dollar).

K/X Safiirka Dowladda Jabuuti Md. Maxamed Cali Jaamac ayaa isna sheegay in Dowladiisu mar kastaba garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, iyagoo la qeybsanaya guulaha ay ka gaareen magaalada Kismaayo, wuxuuna safiir K/Xigeenka tilmaamay in ciidamadooda jooga magaalada B/Weyne ay caawiyeen.

Madaxda halkaasi khudbadaha ka jeediyay waxaa kale oo ka mid ahaa Guddoomiyaha Warta Nabadda Deeqo C/qaadir Axmed, Guddoomiyaha haweenka G/Banaadir Jawaahir maxamed Baarqab, Afhayeenka maamulka G/Banaadir Maxamed Yuusuf, kuwaasi oo dhammaantood xusay in si wadajir ah looga hortago, gaar ahaan magaalada Muqdisho in kooxaha Shabaab ee laga soo eryay Kismaayo iyo degaanada u dhow aanay Muqdisho uga sameynin falal nabadgelyo xumo, sida qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.












Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)