Somali News
    Hees  

Madaxweynaha Soomaaliya: "Waxaan ku amaanayaa ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM dadaalkii iyo geesinimada ay muujiyeen

Mogadishu Axad 30 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha Soomaaliya: "Waxaan ku amaanayaa ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM dadaalkii iyo geesinimada ay muujiyeen oo cadowga ay kaga saareen magaalada, una diideen in ay gabaad ka dhigtaan.."

Ciidanka xoogga dalka oo taageera ka helaya kuwa AMISOM gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo oo saddexdii sanoo lasoo dhaafay ay xarun u aheyd kooxda argagixisada ee Al Shabaab.

Weerarka Kismaayo ayaa ahaa mid aan la kulmin wax iska-caabin ah kadib markii ay maleeshiyadda iskaga baxeen magaaladda goor habeenimo ah, iyagoo u baxday dhanka baadiyaha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xassan Sheikh Maxamuud, ayaa ammaan u soo jeediyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM dadaalkii iyo geesinimada ay muujiyeen oo cadowga ay kaga saareen magaalada, una diideen in ay gabaad ka dhigtaan.

"Waa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed – gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo runtii ku hoos noolaa cadaadis iyo arxan la’aantii Al Shabaab" ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheikh.

Madaxweynaha oo baaq uu u jeediyay shacabka ku nool Kismaayo ayaa ku baaqay in la muujiyo daganaan iyo xasilooni oo lala shaqeeyo ciidanka qalabka-sida iyo xoogaga AMISOM si loo xaqiijiyo amniga, waxna looga qabto nabadgelyada magaalada Kismaayo. Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in la gaarsiiyo kaalmo bini’aadamnimo dadka ku dhaqan gobolka oo aan wax gargaar ah helin mudadii abaaraha ee sanadkii lasoo dhaafay.

"Waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka iyo sidoo kale hay’adaha gargaarka in la gaarsiiyo kaalmo dadka barakacay ee ku nool gobolka kuwaas oo aan helin gargaar, dhibaatana ay ka soo gaartay xayiraadii Shabaab ay ku soo rogtay gargaarka" ayuu yiri Madaxweyne Xassan.

Dowladda ayaa ku dadaaleysa in ay horkacdo qorshe loo-dhan-yahay oo dibu-heshiisiin ah, kaas oo lagu mideynayo jaaliyadaha ku dhaqan gobolka si loo xaqiijiyo dhismaha maamul hoosaad karti leh, oo ku sifeysan daahfurnaan, waxna ka qabta baahida shacabka.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)