|
20 Van Peirse oo 3 ley ku Badbaadiyay Man utd iyo Kooxdiisii hore oo iyaguna 2-0 ku legday Liverbool
Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

20 Van Peirse oo 3 ley ku Badbaadiyay Man utd iyo Kooxdiisii hore oo iyaguna 2-0 ku legday Liverbool
Kulamo ka Tirsan Meertada 3 ee Wareega hore ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 ayaa shalay la ciyaaray waxaana Kulamadaasi ugu xiiso Badnaa Kuwii u dhaxeeyay Liverbool vs Arsenal iyo Southampton vs Man Utd.
Kooxda Man utd ayaa 3-2 aaqirkii isaga reebtay Kooxda soo qaaday Horyaalka Heerka labaad e xili ciyaareedkii tagay ee 2011-2012 ee Southampton waxaana Kooxda Martida aheyd ee Man utd 3 ley u dhaliiyay Weeraryahanka Reer Hoolan ee xili ciyaredkaan uga yimid Kooxda Arsenal 20 van Peirse oo sidoo kale Rigoore lagu galay ka lumiyay qeybtii danbe.
Ciyaartaan oo aheyd mid xiiso badan isla Markaana uu iska badiyay Tababaraha Kooxda Southampton oo Garoonkiisa Marti loogu ahaa ayaa waxa ku Hormaray Goolasha Southampton oo uu u dhaliyay Daqiiqadii 16 Ciyaaryahan Lambert, Hase ahaatee Man Utd waxaa u barbareeyay Van Peirse Daqiiqadii 23 waxaan qeybtii Hore Lagu kala Nastay 1-1.
Qeybtii danbe markii la siagu soo noqday Kooxda Martida loo aaha waxa ay heleen Goolkii 2 waxaan qalinka ku duugay Schneiderlin,Kooxda Man utd waxa rigoore ka lumiyay 20 Van Peirse.
Daqiiqadii 87 iyo 90 2 gool oo daran doori ah waxaa Man utd u dhaliyay Van Peirse iyagoo isag reebay Southampton 3-2 sidaana ku yeeshay 6 dhibcood.
Kooxda Arsenal aaya iyaduna 2-0 ku Garaacday Liverbool oo ay ku Booqatay Hoygooda waxaana arsenal oo u Muuqatay Koox ay ka goneyd inay tirsadaan 3 dhibcood u dhaliyay Goolsha Xidigaha ay soo Iibsatay Xili ciyareedkaan 9 Poudolisk Daqiiqadii 31 iyo 19 Cazorla Daqiqiadii 68 Kooxda Liverbool waxaa dhamadkii ciyaarat Fursad muhiima ka lumiyay 7 Suarez.
Dhinaca kale Kooxaha Newcastle vs Aston Villa ayaa iyaguna isku Macsalaameeyay 1-1 waxaan Goolka la hormaray Aston Villa oo Marti aheyd waxaana u dhaliyay Daqiiqadii 22 Clark Goolka Barbaraha ee Newcastle waxaa dhaliyay 10 Ben arfa Daqiiqadii 60 ee qeybtii danbe ee Ciyaarta.
Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 oo si Habsami ah u socda ayaa Kooxaha ka qeybgalaya ay ciyaareen Lugtii 3 ee Wareega Hore waxaana Horyaalka 9 dhibcood ku Hogaamineysa Koxda Chelsea,Kooxaha Swansea vs Man City ayaa wada leh min 7 dhibcood,Kooxda Man Utd waxa ay leedahay 6 dhibcood,Arsenal 5 dhibcood.
N.B Kooxda Liverbool ayaa bilowga Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 ku Bilaabatay Kaalimaha Hoose waxaan ay leedahy 3 kulan ee ay ciyaareen 1 dhibic oo kaliya
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|