Somali News
    Hees  

QM oo sheegtay in Maamulka Puntland uu ku xadgudubay xayiraaddi hubka ee Soomaaliya

Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




QM oo sheegtay in Maamulka Puntland uu ku xadgudubay xayiraaddi hubka ee Soomaaliya

Guddiga QM ay u xilsaartay dabagalka xayiraadaha dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen waxa ay ku sheegeen inganacsade heysta dhalaashada dalka Australia oo ku nool magaalada Sydney ee dalka Austareeliya uu taaguleeyo maamul goboleedka Puntland isagoo siiya lacago kana qeybqaata ciidamada maamulka Puntland .

Guddiga sameeyay baaritaankan oo uu madax u yahay Matt Bryden ayaa sheegay in baaritaano ay sameeyeen ay ku soo ogaadeen arintani oo ay tahay mid xaqiiqi ah.

Matt Bryden ayaa sheegay in ganacsade asalkiisu yahay dalka koonfur africa oo sanaddii 2009 ka qaatay dhalashada dalka Australia magaciisana la yiraahdo Lafras Luitingh uu lacago badan uu diray mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland iyo rag u dhashay dalka Austrelia oo tababarro siiya ciidamada maamulka Puntland gaar ahaana kuwo madaxweynaha maamulkaasi max’ed faroole.

Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in muwaadhinka Austreliyaanka uu yahay mid ka soo jeeda qoys dhaqaale leh islamarkaana ay lacago u yaalaan bankiyada caalamka.

Matt Bryden oo madax u ah guddigan ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo ganacsadahan u dhashay Austrelia ay xad gudub ku tahay xayiraaddii dhinaca hubka ee QM Soomaaliya ay saartay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)