Somali News
    Hees  

Magacyada Murashaxiin Buuxiyay Shuruudihii looga baahnaa oo uu Maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday Guddiga Doorashada

Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Magacyada Murashaxiin Buuxiyay Shuruudihii looga baahnaa oo uu Maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday Guddiga Doorashada

Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa maanta xaruuntooda Muqdisho ku shaaciyay magacyada murashaxiin buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ilaa 37 ayaa ilaa iminka gudbiyay Araajidooda.

Xildhibaan Cismaan Libaax Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha, oo kula hadlay xeen Wariyaal ah illinka hore ee xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in shan murashax oo ka mid ah xubnaha doorashada madaxweynimo u taagan ay illaa hadda u soo gudbiyeen foomam ay kusoo
buuxinayaan shuruudaha looga baahan yahay.

"Murashaxiinta illaa iyo hadda foomamkii shuruudaha soo buuxiyay oo dib noogu soo celiyay waa shan murashax oo kala ah: C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow), Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, C/weli Maxamed Cali Gaas, C/llaahi Axmed Caddoow iyo C/weli Cilmi Goonjeex," ayuu afhayeenku ku sheegay shirkiisa jaraa'id.

Xubnahan ayaa la sheegay inay soo buuxiyeen saxiixa labaatankii xildhibaan ee loo baahnaa inay kalsoonida ka haystaa, iyo lacagtii fara qabsiga ee looga bahnaa ee 10,000 dollar ah iyo iyagoo soo
buuxiyay shuruudo kale oo lagu xiray.

Afhayeen Cismaan Libaax "Waxaa inoo diiwaan-gashan 37 murashax, waxaana sugaynaa in inta dhiman ay soo buuxiyeen shuruudaha oo ay soo gudbiyaan illaa 5:00 galabnimo ee maalinta berri ah," ayuu intaasi sii raaciyay.

Mar la weydiyay inay jiraan xubno ay dib ugu celiyeen foomamkii oo soo buuxin waayya shuruudihii looga bahaa ayaa wuxuu kaga jawaabay inaysan jirin cid ay ku celiyeen foom, isagoo sheegay inay filayaan in xubnaha intooda badan ay dib ugu soo celiyaan foomamka inta aan la gaarin xilliga la joojinayo arji qabsahada.

Murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo maanta araajidooda gudbiyay ayaa waxaa kusoo biiray xubno uu ka mid yahay Maslax Maxamed Siyaad oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Jen. Maxamed Siyaad Barre oo 21 sano xukumayay dalka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)