|
Oday dhaqameed ka mid ahaa Odayaasha soo Xulay Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu afduubtay
Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Oday dhaqameed ka mid ahaa Odayaasha soo Xulay Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu afduubtay.
Suldaan Cusmaan Cadaawe oo ka mid ahaa Odayaasha soo Xulay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay laga afduubtay degmada Hodan ee xaafadda Black See, iyadoo kooxaha afduubka odaygaasi ka dambeeyay ay ugu galeen gurigiisa.
Mid ka mid ah ehalada odayga la afduubtay oo lagu magacaabo Cabdi Xaanshi C/Salaan ayaa sheegay in in markii la Afduubanayay odaygaasi loo gaystay jir dil oo xoogga ah.
Kooxaha Afduubka odaygaan ka dambeeyay ayaa la sheegay inay tiradoodu gaaraysay ilaa 4-dablay hubaysan, waxaana la sheegay inay odaygaasi si xun u jirdileen, islamarkaana si xoog ah ugala baxeen guriigiisa xilli uu u soo hoyday.
Dhanka kale lama oga sababata ka dambaysay afduubka Odaygaani ka tirsanaa dhaqankii soo Xulayay Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, balse qoyskiisa ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay daba gal ku sameeyaan Odaygaani la Afduubtay oo ilaa iyo haatan laga warheyn halka ay geyeen kooxihii afduubkiisa ka dambeeyay.
Afduubka odaygaan ayaa noqonaaya odaygii ugu horeeyay oo ka mid ahaa Odayaasha soo Xulay Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu afduubto, iyadoo dowladda Soomaaliya ay bilowday inay baadigoobto halka odaygaasi lagu hayo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|