|
Al-Shabaab oo cabsi ay ka qabto Ciidamada Dowladda KMG ah isaga baxday degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabaab oo cabsi ay ka qabto Ciidamada Dowladda KMG ah isaga baxday degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay faarujiyeen maleeshiyaadkii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi.
Dadka ku nool degmada Maxaas ayaa sheegay in mar qura ay arkeen yagoo haawanaya dhifeysyadii malseehiyaadka Al-shabaab ay ku lahaayeen degmada.
Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada ayaa sheegay in Al-shabaab Maxaas ay uga baxeen cabsi ay ka qabaan ciidamada Dowlada, waxana masuuliyiinta maamulka ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan inay ula wareegayaan degmadaasi.
Degmada Maxaas ayaa mudooyinkii ugu danbeyay waxaa gacanta ku haayay kooxda Al-shabaab kadib markii ciidamada Dowlada ay isga baxeen halkaasi mudo dhor bil laga joogo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|