|
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo Dhufaysyo xooggan ka samaystay Deegaanada CeelMacaan iyo Cisalay (Daawo sawirada)
Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
_0.jpg)
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo Dhufaysyo xooggan ka samaystay Deegaanada CeelMacaan iyo Cisalay (Daawo sawirada)
Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa fariisimo cusub ka samaystay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe, iyadoo ciidamadu deegaanada ay gaareen ay ka mid ahaayeen Deegaanka Ceelmacaan iyo Cisalay.
Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ciidamada kula hadlay Marsada Dekadda dabiiciga ah ee Ceel-Macaan, wuxuuna ku booriyay inay ku dadaalaan sidii Gobolka oo idil looga saari kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan shacabka ku dhaqan Gobolkaasi.
"Waxay ciidamadu awood u leeyihiin inay gobolka oo idil ka xoreeyaan kooxaha fidna wadayaasha ah, waxaana dhawaan ka saari doonaan Shabaabka gobolka oo idil" ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo sheegay inuu ugu baaqayo dadka ku dhaqan Gobolkaasi inay garab istaagaan ciidamada Huwanta ah, si ay u sahlanaato ka xoraynta Gobolka Al-Shabaab.
Gudoomiyaha waxa kale oo uu sheegay in deegaan kasta oo laga saaro Al-Shabaab in loo samaynaayo maamul ilaaliya nidaamka iyo kala dambaynta, wuxuuna sheegay in waqti walba ay diyaar u yihiin sidii ay gacan u siin lahaayeen shacabka ku dhaqanka Gobolkaasi.
Dhinaca kale Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa iyagu bilaabay inay dhufaysyo ka samaystaan deegaanada ay dhawaan la wareegeen, iyadoo Ciidamada AMISOM qaarkood ay yihiin kuwa saaran doonyo, waxaana ka muuqata kalsooni fara badan, kadib markii dadkii ku dhaqnaa deegaankaasi ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidamada is garabsanaaya ee halkaasi gaaray.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|