Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif iyo labo musharax kale oo Buuxiyey Sharuudaha Musharaxnimo Kana Mid Noqday Musharixiinta

Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta buuxiyey shuruudaha Musharaxnimo isagoo si rasmi ahna uga mid noqday Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubno ka tirsan gudiga doorashada Madaxweynaha Dalka ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu galabta si rasmi ah u buuxiyey foomka amaba shuruudaha ka mid noqoshada musharixiinta xilkaasi u tartamaya.

Horey ayuu u shaaciyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu u taaganyahay markale inuu qabto xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya si uu u dhameystiro howlihii uu horey u qabtay.

Dhinaca kale Gudiga doorashada ayaa sheegay in labo musharax kale ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, waxaana ay kala yihiin Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo labaduba ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Wadarta musharaxiinta hadda soo gudbisay waa 8 musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha.

Xubnaha Musharixiinta ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dalka ayaa sii kordhaya ayadoo gudiga Doorashaduna ay shaaciyeen in Musharixiinta sharuudaha si rasmi ah u buuxiyey ay ku dhow yihiin Toban Musharax balse qabashada araajida Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo ayaa ku eg maalinnimada berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 06da September 5ta galabnimo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)