Somali News
    Hees  

Australia, Britain iyo France oo muwaadiniitooda uga digay inay Mombasa aadaan.

Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Australia, Britain iyo France oo muwaadiniitooda uga digay inay Mombasa aadaan.

Safaaradaha kenya ay ku leeyihiin dowladaha ingiriiska , faransiiska
iyo Austrelia ayaa waxa ay soo saareen digniin ay dadka u dhashay dalalkooda ay uga digayaan inay u dalxiis tagaan magaalada Mombasa ee dalka kenya halkaas oo mudooyinkii dambe ay ka soconayeen rabshado la xiriira wadaad diimeed halkaasi lagu dilay.

War si wada jir ah ay u soo saareen safaaradahan ayaa waxa ay ku sheegeen in la soo gaarsiiyay qoraallo hanjabaadyo ah oo ka yimid kooxo ay ku sheegeen argigixiso oo ku sugan dalalka somalia iyo kenya.

Dowladahan ayaa u sheegay muwaadiniintooda inay muujiyaan feejignaan oo ay ka taxa daraan tagidaanka goobaha dadka ay isugu yimaadaan sida maqaaxiyada, waxana ay sidoo kale muwaadhiniintooda u sheegeen inay suurto gal tahay in iyagoo goobahaasi ku sugan la afduubto ama
waxyeello la soo gaarsiiyo.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli rabshado galaaftay nolosha dad badan ay ka soconayaan magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)