Somali News
    Hees  

Daladda Dhaliyarada Bartamaha (SOCSOYU) iyo Koonfurta Soomaaliya oo Qabtey Kulan Balaaran oo uu ka Qayb Musharax Yuusuf Garaad

Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Daladda Dhaliyarada Bartamaha (SOCSOYU) iyo Koonfurta Soomaaliya oo Qabtey Kulan Balaaran oo uu ka Qayb Musharax Yuusuf Garaad

Waxaa Hotelkka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan balaaran oo uu soo qaban qaabiyey Dalada Dhaliyarada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya (South Central Somali Youth Umbrella) marka la soo gaabiyo loo yaqaan (SOCSOYU) waxaana  ka soo qaybgaley ardeyda Wax ka barata  Jaamacadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho iyo ardeydii wax ka baratey Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan sidoo kale kulankaas ayaa awaxaa lagu martiqaadey mid ka mid aha Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

Ugu haoreyntii waxaa halkaa warbixin ka saoo jeediyey Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada ee Koonfurta iyo Bartamaha  Maxamed Warsame Sandhool oo sheegey in  Daladan la Aasa aasey muddo aad u fog sidaa darteed waxaa uu sheegey in muddadii ay jirtey  ay qabtey Barnaamijyo Dhalinyarada lagu waci gelinaayo kaasoo ah in lagu jiheeyo sidii ay uga qayb qaadan lahyeen Horumarka  Wadankooda.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoore oo  ka mid ahaa  Ardeyda wax ka baratay Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed isagoo ka dhawaajiyey in  Xildhibaanada Baarlamaanka ay soo dooran doonaan Shaqsi  dalka ku Hogaamiya Cadaalad islamarkaana ka Samatabixiya dhibaatooyinka haysta sida Nabadgalyada , isagoo sheegey in Dowladda soo socota ay shaqooyin u abuura  doonto  Dhalinyarada iyo Ardeyda Jaamacadaha  sidoo kale waxaa uu  uu ugu baaqey  Dhalinyarada Soomaaliyeed in  ay ka fikiraan sidii Wadankooda ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen maadama ay yihiin Xooga dhalin kara Nabada.

 Xasan Ceelaabe oo ka mid ahaa Ardeydii ka qalin jabisey Jaamcadda Ummada Soomaaliyaa ee (JUS) oo isna ka hadLey kulnkaas ayaa sheegey in ay wax ku soo barteen Canshuurtii laga qaadayey Shacabka Soomaaliyeed sidaa darteed ay hada  doonayaan in ay gudaan Deynkaas lagu leeyahay isagoo ugu baaqey  ardeyda iyo Dhalinyarada in ay la yimaadaan door Muhiim ah oo ku aadan Samatabixinta dalka iyo Dadka.

Sahro Macalin Bashiir oo ka mid ahayd ardedii wax ka baratey Jaamcadii Ummada Soomaaliyeed (JUS) ayaa si aad ah uga hadashey Doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin  qaybaha Bulshada , waxayna sheegtey in 20kii Sanoo ee dagaaladu ka jireen Dalka  ay Haweenku ahaayeen kuwa  ka dhex muuqda Bulshada ha noqoto Daryeelka Qoyskooda , Dib u heshiisinta ,Waxbarashada , waxayna ka Codsatey Musharax Yuusuf Garaad in uu Garab siiyo Haweenka Soomaaliyeed maadama ay ku Dulman yihiin dhinaca Siyaasada.

Ardeyda waxa ka barata Jaamcadaha Muqdisho sid SIMAD, SOOMAALIYA , BADWEYNTA  HINDIYA, JASIIRA iyo BANAADIR   oo iyana halkaa ka Hadley  Kulankaas ayaa u Mahadceliyey Dalada Dhalinyarada  Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya  oo iyagu ku martiqaadey Kulankaas Musharax Yuusuf  Garaad , waxayna sheegeen in Yuusuf Garaad uu yahay Shaqsi u qalma in uu qabto Xilkaas maadaama halku dhiga uu ku duulayo uu yahay  XOG-OGAAL XAL DOON AH.

Musharax Yuusuf Garaad  Cumar Axmed oo ka Hadley Kulankaas ayaa si weyn u faafaahiyey sidii ay waxa ku soo barteen  isagoo sheegey  in Waxbarashadooda ay ahayd min Dugsi Hoose ilaa Jaamacad  ay hayd mid lacag la’aan ah waxaana uu hoosta ka Xariiqey in Abaalkaas uu ku leehayan Qaranka Soomaaliyeed ay hada  uu diyaar u yahay in uu Gudo.

“ Haddii aan waayo Xilka Madaxweynimo,waxaan doonyaa in aan u shaqeeyo Dalka iyo Dadka aniga ma  ahi ruux marka uu wax waayo  dib laabanayo waxaa iga Go’an  in aan Wadankaa  wax u qabto intii karaankeyga ah” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo ka Dhawaajiyey in haddii uu xilka waayoo uu uu ka shaqeyn doono Jaamcadaha iyo qaybaha kale ee Warbaahinta.

“Waxaa doonyaa in aan shaqooyin u Abuuro Ardeyda ka soo Qalin Jabisa Jaamacadaha iyo Dhal;inyarada Soomaaliyeed  maadaama 20 kii sanno ee la soo dhaafey ay ahaayeen kuwa ka qayb qaadanyey  Burburka wadanka , waxaa u jaheyn doonaa   sidoo ay uga faaiideysan lahaayeen  Khayraadkooda wadanka ka buuxa“ayuu yiri Musharax Yuusuf Garaad  oo sheegey in Haweenka Soomaaliyeed uu u raadin doono Xaquuqdooda ka maqan gaar haan  dhinaca Baaralamaanka iyo weliba Qaybha kale ee Siyaasada

Yuusuf Garaad  mar  la weydiiyey in uu Wada hadal la galayo haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweyninimo Xarakada Alshabaab waxaana uu ku jawaabey “ waxay isugu jiraan  Xarakada Alshabaab dad Soomaali ah iyo kuwa Ajaaniib marka kuwa   Soomaaliya waxaan leeyahay hubka iska dhiga oo dadkiina Raaca hase yeeshee kuwa  Ajaaniinta waxaan l;eeyahay Dalka nooga baxaan “.

Musharax Yuusuf Garaad oo  intii uu soo gaarey Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo la yeelanayey  Qaybaha Kala duwan ee Bulshada isagoo mar  la kulmey ardeydii wax ka baratey Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed , sidoo kale waxaa uu la kulmey ama kulan balaaran la qaatey Qaybaha ka duwan ee Bulshada sida Odoyaasha , Haweenka , Dhalinyarada , Xildhibaanada Baarlamaanka , waxaana la filyaa in maalmaha yar ee ka harey Tartanka Doorashada uu sii wadi doono kulmada  uu la yeelanayo  Qaybaha kala duwan ee ee Bulshada.










Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)