|
Col. Cyrus Oguna: "Diyaaradaheena dagaalka waxay Bartilmaameysteen hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo C/qaadir Duceysane ..."
Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Col. Cyrus Oguna: "Diyaaradaheena dagaalka waxay Bartilmaameysteen hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo C/qaadir Duceysane iyo 7 dagaalyahan oo kale, dhamaantoodna way geeriyoodeen.."
Col. Cyrus Oguna oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dawlada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradahooda ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Jubbadda hoose ay ku dileen dagaalyahano tiro badan oo uu ka mid yahay nin uu magaciisa ku sheegay C/qaadir Duceysane.
Col. Cyrus Oguna waxaa uu sheegay xilli uu taleefoonka kula hadlayay wakaalada wararka Shiinaha ee Shinwaa in diyaaradahooda ay bartilmaaameysteen gaari uu ninkaan watay kaasi oo marayay degmada Jilib kadib markii uu ka baxsaday magaalada Kismayo waxaana uu intaa ku daray in C/qaadir Duceysane oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee ciidamada Al-Shabab ay la geeriyoodeen illaa iyo 7 dagaalyahan oo kale.
Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Kenya ee koofurta Soomaaliya kula dagaalamaya Al-Shabab waxaa uu tilmaamay in diyaaradahooda ay sarkaal ka raaceen magaalada Kismaayo isla markaana ay gubeen gaarigii uu watay sida uu hadalka u dhigay.
Saraakiisha dawlada ayaa horey u sheegay in sarkaalkaan lagu magacaabo C/qaadir Duceysane ay ku dishay deegaanka Buufow ee gobolka Sh/hoose waxaana dawlada oo ninkaan jagadiisa ku sheegtay inuu ahaa amaanduulaha ciidamada Al-Shabab lamase oga in labada nin ay isku magac yihiin iyo in kale.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|