|
Saraakiisha DKMG oo sheegay iney magaalada Marko ka heleen qalabkii Idaacada Andalus oo ay horay uga qaateen Idaacada Somaliweyn
Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Saraakiisha DKMG oo sheegay iney magaalada Marko ka heleen qalabkii Idaacada Andalus oo ay horay uga qaateen Idaacada Somaliweyn
Saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah ee magaalada Marka ayaa sheegay iney kontrolka magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose ku qabteen qalabkii FM-ka ahaa ee ay ku shaqeyn jirtay idaacadii Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab oo ay horay uga qaateen Idaacada Somaliweyn iyo waxyaabo qarxa.
Ismaciil Axmed Cismaan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay in qalabka Idaacada iyo waxyaabaha qarxa ay ka heleen gaari xamuul ah oo ka baxayey magaalada Marka kuna sii jeeday degmada Baraawe kaasoo uu sheegay iney ku baareen kontrolka koonfureed ee magaalada Marka.
“Allaabtii gaariga ku rarneyd oo dhan ayaan dhulka u soo dejinay waxaan ka helnay qalabkii FM-ka ahaa ee idaacadii Al-shabaab ku laheyd Marka labo haween ah iyo nin ayaana watay, iyaga ayaana noo cadeeyey arintaas, sidoo kale waxaan ka helnay gaariga jaakadaha loogu talo galay in la isku qarxiyo oo aan diyaarsaneyn iyo waxyaabo qarxa oo kaartoono ku jiray” ayuu intaa ku daray Ismaciil Axmed.
Waxaa uu sheegay sarkaalkan in ay xiran yihiin saddexda ruux ee watay qalabka Idaacadaas iyo waxyaabaha qarxa ayna ku wadaan baaritaano, wuxuuna xusay in dhamaantood ay inkireen iney Al-shabaab ka tirsan yihiin hase ahaatee lagu qalday qalabkan ay wadeen, ayna u soo dirsadeen dad jooga degmada Baraawe.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ah ee Somalia ayaa dhowaan la wareegay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose hase ahaatee lama oga in qalabka FMka ah ee ay heleen sida ay sheegayaan uu yahay kii ay ku shaaqeyn jirtay idaacada Andalus ee ku hadashada codka Xarakada Al-Shabaab.
Waxaa sanadkii 2010 bishii Maajo ay dagaalyahada Alshabaab ay ka qaateen Idaacadii somaliweyn qalbkii warlalidka ee ay qabsadeen xaruntii idaacada oo ku tiilay xaafada Manapolio ee degmada Boondheere.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|