|
Kenya oo beenisay in sawiradii meydadkii Shabaab ku soo bandhigeen Kismaayo ciidamadooda ka tirsanaayeeen
Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kenya oo beenisay in sawiradii meydadkii Shabaab ku soo bandhigeen Kismaayo ciidamadooda ka tirsanaayeeen
Cyrus Oguna oo kamid ah afayeenada ciidamada dowladda Kenya oo la hadlay warbaahinta dalkiisa ayaa cambaareeyay sawiro ay baahiyeen warbaahinta taageerta Xarakadda Al-Shabab oo muujinaya meydadka askar Kenyan ah oo maalmo ka hor lagu soo bandhigay magaalada Kismaaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Cyrus Oguna waxa uu sheegay in askarta Shababku ay soo bandhigeen aysan ku jirin askar dowladda kenya ka tirsan balse waxa uu sheegay inay jiraan labo askari oo ilaa iyo haatan ay la’yihiin oo uu sheegay inuu ka cabsi qabo in Shababku ay dileen.
"Sawirada lagu baahiyay baraha bulshada ay sida aad ah ay u isticmaasho waa kuwo been abuur ah mana jiraan meydad askarteena ah oo shababku ay qabsadeen "ayuu yiri Cyrus agona isagoo hadalkiisa intaa ku daray in shababku ay arinkaasi ku doonayaan inay taageero kaga helaan dadka Jubbooyinka degan.
Xarakada Al shabab ayaa maalmo ka hor Kismaayo ku soo bandhigay meydad ay sheegeen in askar kenyaati ay yihiin.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|