|
AMISOM oo sheegtay in qabsashada Ceel-Macaan ay yareyn doonto dagaalyahano aan Soomaali aheyn iyo hub Shabab uga soo dagi jiray
Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AMISOM oo sheegtay in qabsashada Ceel-Macaan ay yareyn doonto dagaalyahano aan Soomaali aheyn iyo hub Shabab uga soo dagi jiray
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta AMISOM ee magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay sameeyeen horumar dhinaca dagaalka , waxana warsaxaafadeedka lagu tibaaxay in qabshadii degedda Ceel macaan ay jidgooyo ku noqoneyso xarakada al shabab oo sida warka ku xusan halkaasi ka heli jiray hub fara badan iyo degaalyahanno dhanka khaliijka cadan ka soo geli jiray dalka somalia .
Warka ka soo baxay xafiiska AMISOM ee magaalada nairobi ayaa lagu tilmaamay in howlgalka AMISOM hadda uu galay waqti xasaasi ah , ujeedka howlgalkuna uu yahay in Al shabab lagaga saaro magaalooyinka degedaha leh oo ilo dhaqaale u ah Xarakada Al shabab sida warsaxaafadeedka ku xusan.
Taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Andrew Gutti ayaa isna waxa uu sheegay in degedda ceel macaan ay aheyd mid Al shabab dantooda ay ka fushadaan balse hadda wixii ka dambeeya ay noqondoonto mid u adeegi doonto bushada soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigay.
Andrew Gutti taliyaha ciidamada AMISOM ayaa dhanka kale shacabka ku nool Ceel macaan iyo deegaanada ku teedsan ka dalbaday inay kala shaqeeyaan dhinca amaanka .
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa dhawaan waxa ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano gobolka shabelada dhexe ku yaala oo ceel macaan ay kamid tahay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|