|
40-dhalinyarro oo ka mid ah kooxdda Al-Shabaab oo manata lagu soo qabqabtay -Howlgallo ay cidamadda Dowladda KMG ah ka fuliyeen Degmada X/Jabjab ee Muqdisho
Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

40-dhalinyarro oo ka mid ah kooxdda Al-Shabaab oo manata lagu soo qabqabtay -Howlgallo ay cidamadda Dowladda KMG ah ka fuliyeen Degmada X/Jabjab ee Muqdisho.
Ciidamadda Dawladda oo iskugu jira kuwa Nabadsugidda,B-sta,Booliska iyo kuwa AMISOM ayaa manta hawlgallo balaaran ay ku qaadeen degmooyinka X/Jab/Jab iyo waaberi waxay ku soo uruuriyeen Dhalinyaro gareysa in ka badan 200 kuwaasi oo lagu eedeeyay inay fulinaayeen qorsho ay u soo diyaariyeen Kooxdda Al-Shabaab .
Dhalinyaradaan ayaa waxay maalmihii la soo dhaafay ku hawlanaayeen falal iskugu jira dilal qorsheysan iyo hawlo ammnaaka wax u dhimaaya, iyagoo ku dhuumaaleysanayay Degmooyinka waaberi iyo X/Jab/jab.
Gudoomiye Kuxigeenka dhanka Ammaanka Maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Joodax oo Saxaafaddda kula hadlayay Gudaha Degmada Xamar Jajab ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Howlgalo ay ka sameeyeen Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ay kusoo Qabqabteen Dad gaaraya 200 oo Qof kuwaasi oo dhamaantood lagu soo xerxeray Xarunta dimbi baraista ee CID.Sidoo kale waxa uu sheegay in Baaritaanno lagu sameeyay Dhalinyaradaasi ay haatan ku sameeyeen baaritaano guud , iyadoo 40 kamid ahna ay Ka Tirsanayeen Kooxdda Al-shabaab ayna fulinayeen hawlo qarbudaad ah.
Gudoomiye Kuxigeenka dhanka Maamulka Gobolka banaadir ee xagga Nabadgalyadda waxaa uu tilmaamay in kadib Baaritaano ay sameeyeen ay ku Cadaatay Ragani Gaaraya 40-ka Ruux in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Howlgalkan ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu madaxweeyne Sheikh Shariif Sheekh Axmed cafis guud ku sii daayay in ka badan 200 oo maxaabiis ah, kuwaasi oo intoodda badan ay ahaayeen dhalinyarro Shabaab ah oo laga soo qabqabtay magaaladda Muqdisho, kuna eedeysnaa dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ka geeysteen gudaha magaaladda Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|