Somali News
    Hees  

Gudiga doorashada Baarlamaanka oo shaaciyay qaabka ay ukala horeenayaan qudbadaha musharaxiinta

Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gudiga doorashada Baarlamaanka oo shaaciyay qaabka ay ukala horeenayaan qudbadaha musharaxiinta

Kulan ay magaalada Muqdisho kuqaateen wakiilada madaxda utartameeso xilka madaxtinimada Soomaaliya iyo waliba gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxey isla af garteen in qaab qorya tuur ah ay ukala qeybsadaan hanaanka loogu kala hor marayo qudbadaha musharaxiinta ka jeedinayaan mudanayaasha hortooda.

Musharaxiinta utaagan xilka madaxweynanimo ee Soomaaliya oo tiradooda caga dhigatay 25 musharax ayaa waxaa loo qeybiyay laba qeybood iyadoo qeybta ugu horeyso ay malainta beri ah saacada afrika bari 3-da Galbnimo kajeedin doono qudbadooda baarlamaanka hortiisa halka qebta kale maalinta Sabtida ay mudanayaasha kahor jeedin doonaan qudbooyinkooda.

Mudanayaasha maalinta beri qudbadaha lagu bilaabi doono ayaa kala ah

Axmed ismacil Samatar
Xuseen Khaliif Jaamac
Maxamed Axmed Saalax
C/laahi Axmed Cadoow
Maxamed C/llaahi Oomaar
Shariif Sheekh Axmed
Cabdiwili Gaas
Maxamed Farmaajo
Salaad Cali Jeele
Cumar Salaad

Halka musharaxiinta hartay ee iyagana maalinta sabtida jeedin doonaan qudbadaha ay kusoo jiidanayaan mudanayasha baarlamaanka Soomaaliya

Liiska Musharixiinta Buuxiyey Sharuudaha Ee Ay Gudiga Doorashadu Shaaciyeen

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa magacyada musharixiinta buuxiyey sharuudaha musharaxnimo kuwaasi oo goor dhow ay shaaciyeen gudiga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Musharixiinta oo gaaraya 25 musharax ayaa kala ah:-


   1.   Xuseen Khaliif Jaamac
   2.   Maxamed Axmed Saalax
   3.   Salaad Cali Jeele
   4.   Ibraahim Cali Xuseen
   5.   Saciid Ciise Maxamuud
   6.  Cismaan Maxamed Gacal
   7.  Maxamed C/laahi Oomaar
   8.  Maxamed C/Weli sheikh Yuusuf
   9.  Maslax Maxamed Siyaad

10. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabid
11. C/raxmaan Baadiyoow
12. C/waaxid Cilmi Goonjeex
13. C/laahi Axmed Cadoow
14. C/weli Maxamed Cali Gaas
15. Maxamed C/laahi Farmaajo
16. Axmed Ismaaciil Samatar
17. Xasan Sheekh Maxamuud
18. Shariif Sheekh Axmed
19. Yuusuf Garaad Cumar
20. Cumar Salaad Cilmi
21. C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
22. Bashiir Nuur Bidaar
23. Xaaji Maxamed Yaasiin
24. C/qaadir Cosoble
25. C/raxmaan C/ashakuur Warsame

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)