Somali News
    Hees  

Holland vs Turkey iyo Denmark vs Czech Republic oo ugu adag Kulamada Xulalka Yurub ku bilaabi doonaan Wadada loo aadayo Brazil 2014.

Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Holland vs Turkey iyo Denmark vs Czech Republic oo ugu adag Kulamada Xulalka Yurub ku bilaabi doonaan Wadada loo aadayo Brazil 2014.

Kulamo xiiso Badan oo furitaan u ah Is reebreebka Xulalaa Yurub ee ku wajahan Koobka Aduunka 2014 ay Martigalinayaan Brazil ayaa lagu wadaa inay Qaaradaasi ka Cutaan habeen danbe iyo habeenka xiga oo Taariikhdu ku beegan tahay 7iyo 8 sabtembar 2012.
inkastoo kulamadu Badan yihiin kuwa Furitaanka u noqon doona Isreebreebka Kobka Aduunka 2014ka ee Xulalaka Yurub ayaa hadana 2kualn ee habeen danbe iyo habeenka xiga isha lagu hayo waxa uu u dhaxeyn doonaan Wadamada Holland vs Turkey oo Habbeen danbe ku kulmi doona Dalka Holland iyo Xulalka Denmark vs Czach Republic oo iyaguna Fooda isku dari doona Dalak Denmark waxna 4ta xul ay ku kalajiraan Gurubyada D iyo B ee is reebreebka Koobka Aduunka Wadamada Qaarada Yurub.

xulka Holland oo uu Qabtay Van Gaal ku xigeena uu u yahay Kuluvert aya ah mid la dhaliilsan yahay maadam 4-2 ay ku garaaceen Saaxiibtinimadii ay yeesheenXulka Biljam isla markaana sidoo kale Natiijo aad u hooseysay ka soo hooyay Koobkii qaramada Yurub ee ka dhacay Dalalaka Ukraein iyo Poland waxana Tageerayasha Holland is weydiinayaan Xulku ma ka kici doonaa dib u dhaca ku habsaday 2012ka oo ma la so shirtagi doonaa Is reebreebka Awoodii loga Bartay Koobkii Aduunka 2010kii ka dhacay Koonfur afrika,sidoo kale Turkiga oo ku Qaasaray Koobki Qaramad Yurub ee 2012ka soona gaariw aayay Kama dambeysta isla markaana ku soo haray Isreebreebki tartankaasi ayey Rajeynayaan taageerayaashoodu in isbadal uu sameeyo xulka oo lo Maga caabay Tababare u dhashay Dalka Turkiga.

dhinaca kale Labada xul ee Denmark iyo Czach Republic oo wacdaro ka dhigay kobkii Euro 2012 laakiin ku guuldareysay inay soo gaaran Sami finalka Tartankaasi ayaa iyaguna ad isku so diyaariyay kuna hanweyn inaysan ka harin wadada lo aadayo Brazil 2014ka Koobka Aduunka.

Jimcaha iyo Sabtiga marka laga yimaado 2 kulan ee u dhaxeeya 4taasiw adan ee an soo sheegnay ma jiraan kulamo sidaa u sii buuran oo adag waxna Xulalka Tuinka weyn ee qaarada Yurub wajihi doonaan Xulala iska caadi ah taas ayaana ka dhigatay in 2 kulan ee u dhaxeeya Holland vs Turkey iyo Denmark vs Czach Republic inay noqdan kuwa ugua dag ee la ciyaari doono habeen danbe iyo habeenka Xiga.


Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)